750 Milyan oo Kaneeco oo Lagu Sii Deynayo Gobolka Florida Ee Dalka Mareykanka

0
1125

Florida (Hargeisa Press)- Mas’uuliyiinta gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa ansixiyay sii deunta 750 Milyan oo Kaneeco, oo jinsi ahaan isbaddal loogu sameeyay si loo yareeyo xaddiga kaneecooyinka ku nool gobolkaas.

Ujeeddada laga leeyahay mashruucan ayaa ah in la dhimo tirada kaneecooyinka cudurrada qaada, sida fayrasyada noocyadooda kala duwan.

Fulinta mashruucan oo ku saleysnaa amar dhinaca dowladda ah ayaa muran dhalinayay muddo sannado ah, waxaana cadho weyn ka muujiyay dadka u dooda xuquuqda deegaanka, oo ka digay inay ka iman karaan cawaaqibxumo aan lasii saadaalinin.

Mid ka mid ah kooxahaas ayaa cambaareeyay mashruuca, wuxuuna ku tilmaamay “dhibaato bulshada loo horseedayo”.

Shakhsiyaadka u ol’oleeya xuquuqda deegaanka ayaa walaac ka muujiyay in wax ka baddalka taranka kaneecooyinka ay sababi karto waxyeello ku timaada hawada dabiiciya ah. Waxaa kale oo ay ka digeen inay arrintan ku sameysmaan cayayaanno adkeysi u leh dawooyinka iyo sunta lagula dagaallamo.

Laakiin shirkadda arrintan ku shaqo leh ayaa sheegtay in ayna jiri doonin wax khatar ah oo bani’aadanka ama deegaanka kasoo gaadheysa howshan. Waxay sidoo kale ku baaqeen in la sameeyo daraasado ay dowladdu ka warqabto.

Qorshaha sanadka 2021-ka kaneecooyinka loogu sii deynayo jasiiradaha Florida Keys ayaa yimid dhowr bilood kaddib markii ay dowladda federaalka Mareykanku sharci ahaan u fasaxday in kaneecooyinkaas wax laga baddalo.

Bishii May, Waaxda Arrimaha Deegaanka ee Mareykanka ayaa u oggolaatay in shirkad uu fadhigeedu yahay Britain ay ka howlgasho gudaha Mareykanka, si ay u soo saarto kaneecooyin tarankooda jinsiyeed la dhalan rogay.

Kaneecooyinka howlgalkaas lagu fuliyay, oo ah nooca Aedes aegypti, ayaa lagu yaqaannaa inay xambaaraan cudurrada dilaaga ah ee ku dhaca bani’aadanka oo uu ka mid yahay cagaarshowga.

Sida la ogyahay, kaneecooyinka dhaddigga ah oo kaliya ayaa qaniina bani’aadanka, sababtoo ah waxay raadinayaan dhiig ay ukumahooda ku sameeyaan.

Sidaas darteed qorshaha ayaa ah in lasii daayo kaneecooyinka labka ah, kuwaasoo tarankooda wax laga baddalay kaddibna la falgali doona kuwo kale oo dhaddig ah balse duurka ku jira.

Hase yeeshee, kaneecooyinka labka ah ayaa lagu duray nafaqo dileysa kaneecooyinka dhaddigga ah marka ay gaadhaan da’da ay wax ku qaniini karaan.

Qorshaha ayaa ah in aan la dabar goynin kaneecooyinka balse tiradooda aad hoos loogu dhigo.

Xilli kaddibna waxaa la gaadhi doonaa heer ay faro ku tiris noqdaan kaneecooyinka cudurrada khatarta badan qaada ee loo yaqaanno “Aedes aegypti”.

Maalintii Salaasadii, mas;uuliyiinta Xarunta Xakameynta kaneecooyinka ee Florida Keys ayaa fasixii ugu dambeeyay ku oggolaaday sii deynta 750 milyan oo kaneeco, kuwaasoo hawada lagu fasixi doono muddo 2 sano gudahood ah.

Laakiin qorshahan wuxuu la kulmay dhaleeceyn badan, waxaana ka mid ah ku dhawaad 240,000 oo ruux oo saxeexay dacwad ka dhan ah.

Shirkadda howshan fulisay ayaa sheegtay inay hore ugu soo guuleysatay dalka Brazil, haddana ay ku talo jirto inay sanadka 2021-ka u gudbto gobolka Texas.

Hase yeeshee wali wax fasax ah kama ayna helin maamullada maxalliga ah iyo midka federaalka toona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here