Shir Lagu Gorfaynayay Nabadgeliyadda iyo La Dagaalanka Mukhaadaraadka Oo Ceel-Afweyn Lagu Qabtay

0
857

Ceel-Afweyn (Hargeisa Press): Shir lagaga arrinsanayay  adkaynta nabadgeliyadda, la dagaalanka Mukhaadarraadka iyo wax ka qabashadda xaalufinta deegaanka ayaa Khamiistii lagu qabtay degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Shirkaasi qodobadii  diirrada lagu saaray waxaa ka mid ahaa adkaynta badgeliyadda, ka hor taga iyo ladaagalanka Maan-dooriyeyaasha gaar ahaana Khamriga oo la sheegay in uu si weyn ugu faafay degmadda.

Iyo sidoo kale sidii wax looga qaban lahaa xaalufinta lagu hayo dhirta qoyan ee Dhuxulaysha laga dhigto ee ka socota  deegaamadda hoos yimaadda degmadda Ceel-afweyn.

Shirkaasi waxaa soo qaban qaabiyay maamulka degmadda Ceel-Afweyn.  Waxaana ka soo qayb galay badhasaabka gobolka Sanaag Eng. Axmed Cismaan, maayarka Dararweyne, taliyaha qaybta ciidamadda booliska Sanaag, taliyaha ciidamadda booliska Ceel-Afweyn.

Guddiga nabadaynta Ceel-Afweyn ee madax dhaqameedka ah, cuqaal, odayaal, haween, dhalinyarro, xubnaha wasaarradaha dawladda madaxda uga ah Ceel-Afweyn qaarkood iyo masuuliyiin  kale.

Maayarka degmadda Ceel-Afweyn C/raxiin Aw Yuusuf Axmed,  ayaa furitaankii shirkaasi ka sheegay u jeedadda iyo qodobadda lagu gorfeeyay.  .

Kulankaasi waxaa hadallo ka jeediyay xubno isugu jiray haween, odayaal, madax dhaqameed iyo masuuliyiin, kuwaasoo dhamaantoodba siyaabo isku midda u soo qaaday waxyaabaha sababaya in nabadgeliyadda marka la dhex dhigo laba beelood ay sii socon waydo.

Taasoo ay ku tilmaameen mid ka dhalanaysa in aan wakhtigii loo balamay lagu fulinaynin Magaha iyo heshiishyadda beelaha la dhex dhigo.

Badhasaabka gobolka Sanaag Eng. Axmed Cismaan Xasan, oo hadaladii masuuliyiintaasi sii tixraacayay ayaa Carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay adkaynta nabadgeliyadda u leedahay in wakhtiga lagu balamay lagu fuliyo heshiisyadda beelaha lagu dhex-dhexaadiyo.

Balse haddii ay taasi dhici waydo in ay keenayso dhibaatooyin ka dhex dhaca beelihii la heshiisiiyay. Eng. Axmed Cismaan, ayaa intaas raaciyay in haatan ay nabadgeliyadda degmadda Ceel-Afweyn meel fiican marayso, hase yeeshee ay lagama maarmaan tahay in lagu ilaaliyo iyadoo la fulinayo heshiiyaddii la galay.

Qodobadii shirkaasi sida aadka ah loogaga doodaya waxaa ka mid ahaa dhibaatooyinka Mukhaadarraadka ay si weyn u aafeeyay bulshadda gaar ahaana dhalinyaradda.

Iyadoo ay masuuliyiinta dawladda iyo madax dhaqameedkuba ay soo jeedinayeen in meel looga soo wada jeesto sidii dhibaatadaasi wax looga qaban lahaa.

Sida uu tilmaamay Saleebaan Ducaale Ubaxle (Dhego-cade), taliyaha qaybta ciidamadda booliska gobolka Sanaag, oo shirkaasi hadal ka jeediyay. Taliye Dhego-cade, waxa kaloo uu ka hadlay adkaynta nabadgeliyadda iyo waxyaabaha wiiqaya heshiisyadda la gallo.

Geesta kale intii munaasibadaasi socotay waxaa isna hadal ka jeediyay  maayarka deegaanka Dararweyne oo ka tirsan degmadda Ceel-Afweyn Maxamuud Xasan.

Waxaanu ka hadlay xaaladda nabadgeliyo ee deegaanka Dararweyne oo ka mid ahaa meelihii ay dagaaladu ku dhex mareen beelaha.

Dhinaca kale taliyaha ciidamadda booliska ee degmadda Ceel-Afweyn,  oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka warbixiyay noocyadda dhibaatooyinka dhinaca amniga ee haatan ka taagan degmadaasi.

Daawo: Hadaladii Shirkaasi Laga Jeediyay:

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here