Fadeexad : Wadadda Halbowlaha Ah ee Madaarka Hargeisa Tagta Oo Kabkabid Loogu Bedelay Kharashkii ay ku Laheyd JPLG + SAWIRRO

0
2145

Dhamaan shacabka Somaliland ee horumarka iyo Nabada jecel Salam iyo bogaadinbaa hawadda u marinaya, waxaan ayaandarro ah in golihii deegaanka ee Hargeisa Loo doortey noqdeen qaar aad moodo in ay sidey doonaan ugu tagri falayaan hantida qaranka dib u dhiskiisa iyo horumarkiisa loogu talo galey, iyagoo ay u dhaqmayaan sidiiyoo ay umaddu war u heynin oo aan lala socon talaabooyinka maangaabnimadda ah ee ay qaadayaan.

Waxay aheyd saaka mar aan marayey Wadadda Halbowlaha ah ee tagta Madaarka Caalamiga ah e Hargeisa taas oo Daamur yar inta la qodqodey laga buuxbuuxiyey godadkii burburey ee wadadda ku yaaley, iyadoo muddo laba cisho ahba afar nin iyo gaadhi iskorogato ahi ka shaqeynayeen, waxaynu ognahay in wadadaasi tahay halbowlaha iyo muraayadda caasimadda oo qof kasta oo dalka yimi marka ugu horeysaba indhaha ku dhufanayo, dhawr jeer oo hore ayaa halkii dayactir balaadhan lagu sameyn lahaa sidan oo kale loo kabkabey, taas oo noqotey in ay noqoto waddo baba’asan oo dhib ku heysa dadweynaha adeegsadda.

WADAD
Sidaad la socotaan dalka waxaa laga fuliyaa Mashruuc la magac baxay JPLG (Joint Program of Local Goverment) oo loogu talo galay in lagu horumariyo adeegyadda aasaasiga ah ee Dowladaha hoose bixiyaan, iyadoo dowladaha hoose ka faaideysanaya kharashka ayey sameeyeen waxqabadyo, horena dowladda hoose ee hargeisa waxay uga faaideysatey in ay waddo laami ah oo heer sarre ah saarto wadadda marta badhtanka magaaladda hargeisa laga soo bilaabo Barriga magaaladda iyo Galbeedka looga baxo, Ka dib markii aan u hawl galay in aan wax ka ogaado qorshaha uga yaal Dowladda hoose ee Hargeisa wadada Madaarka tagta ayaa Siduu ii cadeeyey Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka hargeisa waxaa ay wadadani ku jirtey kharashka lagu dayac tirayo oo waddo casri ah loogu saarayo Mashruuca JPLG, taas oo maraaxiil ay martey ka dib hada loo soo daayey dowladda hoose ee hargeisa lagana sugayey in ay hawshaa dardar galiso dadweynaha indho sircaad u dhigaysa oo maalinba buuxbuuxineysa wadadaas, iyadoo arrinkoodu noqdey in ay Lunsadaan Hantidda Umadda iyagoo Dhabarku Muuqdo.

WADAD3

Waxaan halkan uga sheegaynaa Maayarka Magaaladda Hargeisa C/rahman Soltelco in shacabka dega degmadda Maxamud heybe ilaa intii la doorteyba farta ay ku mudayeen waxqabad la’aantiisa baahsan ee degmadda ka heysta adeegayadda horumarineed ee dowladdaha hoose uga masuulka aheyd, iyadoo degmadani tahey degmadda ugu dakhli soo xareynta badan degmooyinka hargeisa, dibna aan loogu soo celin wixii ay xaqa ugu laheyd cashuurta subax walba ay shacabku bixiyaan.
Yeelkeede hadii ay doorteen xildhibaanadda iyo maayarka hargeisa in hadh cad iyagoo la ogyahey ay dhacaan hantida umadda, Shacabka meel bey ugu qorantahey ficiladda tuugnimo ee lagu kala shaxaadayo xaqooda, waxaanan ka codsaneynaa Golaha deegaanka hargeisa in ay cadeeyaan kharashkii JPLG ay ku laheyd wadadda Tagta madaarku halkey martey, Hadii Kale Cawaaqib xumadda ka dhalata waxay keeni kartaa in halis ay galiso Amniga iyo Maamulka Magaaladda.

La Soco: Waxaan Shacabka u soo bandhigi doonaa Documents Muujinaya qorshayaasha dowladda hoose Hargeisa iyo sida loo Lunsadey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here