Maxakamadda Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Xukunno Ku Riday Askartii Ku Eedaysnayd Dilkii Saraakiisha Qorilugud

0
766

Hargeysa, (HargeisaPress) — Maxakamadda Ciidanka Qaranka ee Derajada 1-aad ee Gobolada galbeedka, ayaa Xukunno xadhig iyo dil iskugu jira ku riday Askari ku eedeysnaa Dilkii Saraakiisha Ciidanka Qaranka ee Xerada Qorilugud iyo Askar ku eedaysan inay falkaasi ku gacan siiyeen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qaranka Somaliland ee Darajada Koowaad ee Goboladda Galbeedka Somaliland Gaashaanle Sare Yuusuf Faarax Sharmarke, ayaa maanta ku dhawaaqay Xukunka ka dib markii todobaadkan ay socotay dacwadoodu.

Gudoomiyaha oo ku dhawaaqaya Xukunnadda ayaa yidhi:-

  1.  Gacan ku dhiigle Faarax Maxamed Ismaaciil waxay Maxakamaddu ku xukuntay Dil
  2.  Laba Xadhigle Carraale Muuse Cabdi oo lahaa Heeganka Xerada Dilku ka dhacay Toddoba sano oo xadhig milatari ah.
  3.  Dable Cabdi Cawal Maxamed oo ahaa kamaan-boostihii waardiyaha ahaa sideed sano oo xadhig Milatari ah
  4.  Dable Faarax C/laahi Maxamed oo ahaa Askarigii qorigiisa Dilka lagu fuliyey shan iyo toban sano oo xabsi Milatari ah
  5.  Dable Khadar Xasan Ismaaciil waa Askarigii silsilada ka furay gacan ku dhiiglaha oo maxbuus ahaa ka hor intaanu Dilka geysan waxaana lagu xukumay Toban Sano oo Xabsi Milatari ah Hase yeeshee waxa ay Maxkamadda Ciidanku xorriyadiisa u celisay Dable Khadar Axmed cawil kadib markii Danbi lagu caddeyn waayey, halka Gacan ku dhiiglaha oo maqan ay kaga xukuntay Dil.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here