27 Qof oo lagu dilay Weerar ka dhacay Mareykanka

0
1330

TEXAS, (HargeisaPress) — Mas’uuliyiinta gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in labaatan iyo toddobo qof lagu dilay kaniisad ku taala magaalada Sutherland Springs ee gobolkaasi, kadib markii uu rasaas ku furay nin hubeysan. Wararku waxaa ay sheegayaan in shan iyo labaatan qof oo kale ay ku ku dhaawacmeen weerarka.

Magaalada uu weerarka ka dhacay ayaa qiyaasti konton kilomitir dhanka koonfur bari kaga began magaalada San Antonio. Booliska gobolka Texas ayaa warbaahinta maxaliga ee dalkaasi uu sheegay in raggii weerarka geystay la dilay, waxaana la arkayay muuqaalo muujinaya ciidamada ammaanka oo soo buux dhaafiyay goobta uu weerarka ka dhacay.

Gawaarida gurmadka degdega iyo kuwa dab damiska ayaa sidoo kale soo gaaray goobta, waxaana sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in dadkii halkaasi ku sugnaa lasoo daad gureeyay.

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here