134 Arday Oo Ka Qalin Jabiyay Machadka Shaqaalaha Dawladda+ KHudbaddaha Masuuliyiinta + SAWIRRO

0
1013

Hargeysa , (HargeisaPress) — Munaasibad balaadhan oo loo sameeyey 134-Arday oo ka qalin jabiyey Machadka Tobabarka Shaqaalaha Dawlada ee CSI ayaa lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Munaasibadan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici),Wasiirka Wasaarada Maaliyada,Wasiirka Arrimaha Gudaha,guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha,Maamulaha Machadka Shaqaalaha,Ardayda qalin jabinaysay,Waalidiin iyo Marti sharaf kale oo aad u tira badan.

CSI3
Maamulaha Machadka Shaqaalaha Dawlada Md:Maxamed Mixile Boqore oo ugu horeyn munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in ardayda qalin jabisay ay muddo Saddex Sano ah ay soo wadeen dadaalka ay ku kasbanayaan heerka Koowaad Shahaadada Degree-ga.
“Markaan eegay warqadii uu ii soo gudbiyey Xafiiska Diiwaangalinta Xafiisku,kadiba markaan darsay ansixintii warqadii ay ku soo ansixiyeen laamihiinu,markaan eegay ee aan hubiyey celceliskii natiijadii Imtixaanadkiinii iyo Maadooyinkii aad soo baranayseen muddadii Sadexda Sanadood ahayd,waxaan idiin sheegayaa in aad tihiin oo aad dhamaysateen kuna guulaysateen waxii laydiin ka rabay waxbarasho oo aad qalinjabintiina aad gaadheen.maantana aad tihiin qolo qalin jabisay oo gacanta aad ku qaadanaysaan shahaadadiinii Degree-ga Koowaad”.Ayuu yidhi Maxamed Mixile Boqore
Guddoomiyaha Haayada Shaqaalaha Nuux Sheekh Muuse Ducaale oo isaguna sida oo kale halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa ugu horeyn waxaa uu hambalyo balaadhan uu u diray dhamaanba ardaydii halkaasi ka qalin jabisay,waxana uu si aada ugu dheeraaday tayada waxbarasho ee Machadka CSI.waxaana uu sida oo kale uu Xukuumada uga mahad celiyey qaabilaada ay ka qaabishay Kharashaad hore ay Haayada UNDP uga bixin jirtay Machadka Haayada Shaqaalaha oo ay hada joojisay.

CSI4
“Machadka CSI la yidhaahda horta Jaamacad weeyaane maaha Machadkii caadiga ahaa,runtii marka tayada Machadkan la eego,waxaa jira Sanadkii dhawayd waxaanu ka soo qaadnay dawlada Itoobiya oo CSI University of Itobia la yidhaahdo oo aanu ka soo qaadnay 20-Master ah oo dadkii ka qalin jabiyey halkan ahaa deedna aanu u dirnay Jaamacadaasi markii deedna ay halkaasi ka soo qalin jabiyeen,waxaa ay hadan noogu kordhiyeen in ay nasiiyaan 20-arday oo kale oo Bacheler ah.Maxay taasi ku timi,waxaa ay ku timi dadaalkii halkii laga sii waday ee Machadkani sameeyey.oo runtii shaqaalihii ka soo baxaayey Machadka ay yihiin oo nalagu siiyey natiijadii ay ka soo hooyeen halkaasi waayo qof qudha oo GPA-giisii ka hooseeyey 3.20 muu jirin,dadkaasina halka ay markii hore ka soo baxeen waa Machadka Shaqaalaha Dawlada.Runtiina ma aysan hawl yaraysan Madaxweynaha,Madaxweyne Ku-xigeenka,Wasiirka Maaliyada iyo Xukuumaduba iyo waliba Profeseerkayaga Mixileba,iyo sida oo kale Madaxtooyada oo iyaduna na garab istaagtay markii ay UNDP markii ay dhaqaalihii ay naga joojisay ay dawladu ka faalo qaaday oo runtii 2015-waxii kharashaad nagu baxayey oo dhanba iyada ayaa ka faalo qaaday Xukuumadu aad iyo aadna waa ay u mahadsan yihiin”Ayuu yidhi Nuux Sheekh Muuse Ducaale

CSI6
Dhanka kale waxaa iyagun sida oo kale halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md:Cali Maxamed Waran Cadde iyo Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md:Cabdicasiis Maxamed Samaale,waxaana ay ugu horeyn si balaadhan ay hambalyo ugu direen dhamaanba ardayda kala duwan ee ka qalin jabisay Machadka Dawlada,waxaana ay si aada ugu amaaneen oo ay sheegeen in Machadkaasi uu ka soo baxay hawshii iyo shaqadii loo igmaday,iyaga oo iftiimiyey in ay soo saaraan Arday tayadoodu ay aad u sarayso.
Md:Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylaci) oo isna gababadii halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu isna dhankiisa uu hambalyo balaadhan u diray Ardaydii halkaasi ka qalin jabisay.“Waxaa maanta dhamaanteenba farxad inoo ah xafladan qalin jabinta CSI ee ardaydu ka qalin jabinayso dhamaanteenba farxad weyn ayaa ay inoo tahay,waxaanan marka hore aan hambalyeynayaa ardayda ka qalin jabisay ee Waalidiinta leh ee Ardayda leh ee sida oo kalena masuuliyiinta kala duwan leh.waxaanan leeyahay Hambalyo Hambalyo.Marka xiga waxaan u mahadnaqayaa Macalimiintii mudada dheer idin soo tobabaraysay iyo madaxda kala duwan ee Machadka haday tahay Maareeyaha guud ee shaqaalah iyo Machadka CSI,iyada oo sida oo kalena aan runtii u mahad naqaayo.runtii waa masuuliyada Xukuumada saaran mar hadii markii awoodeena dhaqaale ay yarayd ay Haayada UNDP soo gacan haysay in hadana maanta ay Xukumadu gacanta ku qabato oo ay dhaqaalaheeda ku bixo.aad ayaanan ugu mahad naqayaa Wasaarada Maaliyada oo hawshaasi gacanta ku haysa waana waajib qaran oo loo baahan yahay in aanay halkaasi ku istaagin ee ay halkaasi ka sii socoto”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylaci).
Ugu danbayntiina Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md:Cabdiraxmaan Cabdilahi Ismaaciil (Saylaci),ayaa halkaasi waxaa uu shahaadooyin uu ku guddoonsiiyey Ardaydii Kaalmaha hore ka gashay.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here