Daawo Muuqaal: Siyaasiyiin Kulmiye Ka Tirisan Oo Xubno Xukumadda ka tirsan Ku Eedeeyey Fidinta In Madaxweyne Siilaanyo ka Tanaasulay Doorashada

0
860

Hargeysa , (HargeisaPress) — Siyaasiyiin taabacsan Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbiga Kulmiye, ayaa faafinta Warar sheegayay in Madaxweyne Siilaanyo ka tanaasulay Musharaxa Kulmiye ee Madaxweyne ay ka dambeeyeen Wasiiro xukumadda ka tirsan oo hamuum u qaba Awood maamul oo ay helaan.

Siyaasiyiintan oo Shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa waxaa ka mid ahaa Ibrahin Ducaale Saleebaan (talaabo), Cabdi Maxamuud Saleebaan (mingiste), Abiib Xasan Filfil, Dr. Maxmaed Aw-daahir Ibrahiin, Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse). Siyaasiyiintan ayaan caddayn kuwa ay yihiin Wasiirada warkaasi faafiyay.

“Arintii Maalintii dhawayd Warbaahinta lagu qoray ee ahayd in Madaxweynuhu ka tanaasulay doorashadii, anigu waxaan qabaa oo aanan dulmaraynin in Xubno Awood siyaasadeed oo ay yeeshaan u gaajaysan oo xukumadda maanta jirta xubno ka ahi ay fidiyeen Ku-tidhi ku-teenkaas.waxaan leeyahay xubnahaasi ha joojiyaan borobagaandada oo ha ka daayaan Madaxweynuhu waa musharax,isagaana Kulmiye u Masharax ah, hogaanka Xisbiguna wuu caddeeyay” ayaa ka mid ahaa hadalka Siyaasiyiintan Kulmiye ka tirsan.

Siyaasiyiintan ayaa ku dooday in la aaminsan yahay in dad xilal culus ka haya xukumadda islamarkaana Madaxweynaha ka agdhaw ay warkaasi fidiyeen “Kol haddaanay ahayn Xisbiyada Mucaaradka ah, Kol haddii Hogaankii Xisbiga Kulmiye na iska fogeeyay, waxay dadku dareensan yihiin oo farta ku fiiqayaan inay yihiin kuwa fidiyey warkani dad xilal culus haya oo ah dadkii Madaxweynaha hoos joogay”

Warka ku saabsan tanaasulka Siilaanyo ayaa soo baxay dhawaan, iyadoo Hogaanka Kulmiye iyo masuuliyiin kale oo xukumadda ka tirsani beeniyeen, hase ahaatee Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo wasiirada ka agdhaw ayaan ilaa hadda soo hadal qaadin jiritaanka warkaasi.

Halkan ka Daawo

 

 

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here