KUFSIGU WAA XAD-GUDUBKA UGU XUN EE LAGULA KACO HAWEENKA. Prof. Adam Ismail (AADANWALI)

0
2264

Hargeysa – Waxaynu ognahay inay ragu haweenka kula kacaan dembiyo tiro badan sida: cayda, qadafka, gacanta, dhaca iyo weliba bahdilaad iyo ceebayn, lakin intaaba waxa ka daran KUFSIGA.

Cilmi baadhis tiro badan oo la sameeyay ayaa sheegay ruuxa haweenka ah ee la kufsadaa in aanay nolosheeda ilaabin dembigaa laga galay. Cilmi baadhistu waxay caddaysay inay haweenayda la kufsado uu ku dhaco dib u xasuusad falkii kufsiga ah (rape victim flashback) xataa hadii ay muddo badani ka soo wareegtay.

Waxa masuuliyadi ka saarantahay ummada oo dhan in la ilaaliyo karaamada iyo sharafta haweenka waana in cidii tacadiga kufsiga ku kacda loo diro xabsi dheer oo aan cafis lahayn ninka mar labaad kufsi ku kacana waa in la dhufaano (castration), taas ayaa joojin karta gebi ahaanba jariimada kufsiga sida tan lagu sameeyay Gabadha yar ee Caasha ee ka dhacday Gaalkacayo!

Prof. Adam Ismail (AADANWALI)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here