Yuusuf Garaad Iyo Danjire Michael Keating Oo Beeniyay Waraaqo La Xidhiidha Xisbiga Waddani Iyo Doorashada Madaxtooyada Oo La Sheegay Inay Iyagu Qoreen

0
806
Yuusuf Garaad Iyo Danjire Michael Keating

Hargeysa, (HargeisaPress) — Dawladda Somaliya iyo ergayga Qaramada Midoobay ee Somaliya ayaa siyaabo kala gooni gooni ah u beeniyay waraaqo been abuur ah oo khuseeya doorashooyinka Somaliland.

Dhawaan ayaa baraha ay bulshadu ku xidhiidho waxa lagu baahiyay laba warqadood oo la sheegay in mid ka mid ah uu qoray wasiirka khaarajiga Somaliya Yuusuf Garaad Cumar taas oo uu ku socodsiiyay dawladda Qatar islamarkaana uu ku weydiisanayo inay taageerto xisbiga Waddani oo uu sheegay inuu yahay mid diyaar u ah soo celinta midnimadii burburtay ee Somaliya. Laakiin Yuusuf Garaad ayaa warqadaas ku tilmaamay mid been abuur ah oo la foojari gareeyay. Sidoo kale warqad kale ayaa iyana lagu baahiyay baraha bulshada oo la sheegay in ergayga Qaramada Midoobay ee Somaliya danjire Michael Keating  qoray, taas oo khusaysay xisbiga Waddani iyo doorashooyinka Somaliland.

Yuusuf Garaad

Wasiir Yuusuf Garaad ayaa qoraalka uu soo saaray ee uu arrintan ku deedafeeyay wuxuu ku yidhi sidan “Dad ayaa si toos ah iyo si dadban ii weydiiyay waraaq la faafiyay oo ku saabsan mid ka mid ah axsaabta ku tartamaya doorashada Somaliland.

Waraaqda la i weydiinayo waxay ku qoran tahay in ay ka soo baxday Wasaaradda aan hadda mas’uulka ka ahay.U fiirso magaca Jamhuriyaddu waa ku meel gaar taas oo laga soo gudbay 2012. Magaca Wasaaraddu sax uma qorna.

Waxaa ku qoran magaceyga oo ay higgaaddiisu hal meel ka badan ay ka qaldan tahay. Saxiixeyga mid aan ahayn ayaa saaran. Uma gelayo hannaan-xumada ay u qoran tahay oo qofkii u fiirsadaa uu fahmi karo in ay tahay been-abuur.

Ergayga Qaramada Midoobay

Ergayga Qaramada Midoobay ayaa isna qoraal uu ku qoray twitterkiisa wuxuu ku yidhi “Waxaan cadaynayaa in warqadda la sheegayo inay ka timid ergayga Qaramada Midoobay ee Somaliya ee ku socota madaxweyne Farmaajo ee khusaysa doorashoyinka Somaliland ay tahay been abuur.”

Gunaanad

Doorashada madaxtooyada Somaliland ayaa u muuqata inay lugaha la soo galayso baahinta waraaqo iyo warar been abuur ah oo la arkay doorashooyinkii u dambeeyay ee dunida ka dhacay taas oo ay sabab u yihiin warbaahinta ay bulshadu ku xidhiidho ee loo yaqaano “Social media” oo saamayn badan hadda ku leh dunida, oo ay mararka qaarkood ku baahiyaan warar aan jirin dad aan xilkas ahayni.

Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here