Banaan-bax Lagu Taageerayo Qadiyada Somaliland oo Laga Dhigay Baarlamaanka Midowga Yurub

0
1218

Brussels (Hargeisa Press)- Jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan dalalka Belgium, Jarmalka, Faransiiska iyo Holand, ayaa banaan-bax lagu taageerayo qadiyada madax-banaanida Somaliland ka sameeyay xarunta Baarlamaanka Midowga Yurub ee magaalada Brussels.

Waxaana ay Jaaliyadaha Somaliland halkaasi ku gudbiyeen qoraalo ku saabsan qadiyada Somaliland ee 33 jirsatay iyo sida ay muhiimka u tahay in Caalamku u aqoonsado dal madax-banaan.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wakiillada Somaliland ee dalalka  Belgium-ka iyo Faransiiska, ayaa Jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan dalalkaasi kala qayb galay banaan-baxaasi.

Jaaliyadaha, ayaa sidoo kale halkaasi waxaa ay ku soo bandhigeen qoraalo ay ku xardhanyihiin Heshiiskii Isfahan ee dhawaan dhexmaray dalalka Somaliland iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here