Xildhibaan Gavin Williamson oo Shaaciyay Inuu Sii Wadayo Taageerada Qarannimada Somaliland

0
1670

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa dowladda iyo shacbiga Somaliland ku bogaadiyay 33 guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland ee xuska 18ka May.

Waxaa Xildhibaan Gavin Williamson oo ka mid ah saaxiibbada Somaliland uu dhambaal hambalyo ah u diray Somaliland munaasibada 18ka May darteed.

Xildhibaan Gavin wuxuu sheegay inuu Wanaag u rajaynayo Somaliland oo u debaal-degtay sannad guurada 33aad ee ka soo wareegtay dib xaqiijinta qarannimadeeda.

Xildhibaanka, ayaa wuxuu caddeeyay inuu ku garab taagnaan doono Somaliland halganka iyo soo dhaweynta horumarka laga sameeyay dhinaca aqoonsi raadinta dalkooda taabogalka ah.

Gavin Williamson wuxuu intaas ku daray inuu sii wadayo taageeradiisa  Somaliland inta ay ka xaqiiqoobayso inay Somaliland noqoto Jamhuuriyad madaxbannaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here