Xukuumadda Somaliland oo Shaacisay Inay Gacanta Ku Hayso Amniga Laascaanood

0
2304

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyada oo sheegtay inay gacanta ku hayso amaanka guud ee gobolka Sool.

Somaliland oo gobolka Sool kula dagaalamaysay Kooxaha huwanta ah ee ku soo duulay magaalada Laascaanood, ayaa sheegtay ciidamada qaranka Somaliland ay gacanta ku hayaan amaanka gobolka Sool.

“Ciidamada qaranka Somaliland waxay si buuxda gacanta ugu hayaan amaanka deegaanadaas iyo dhulkayaga” ayuu Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Caateeye ku yidhi qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Wasiir Caateeye, ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka Somaliland ay dib u riixeen kooxaha huwanta ah, ayna dhawaan dib u soo celin doonaan magaalada Laascaanood.

“Ciidamadayadu waxay dib u riixeen ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadka dhawaana waanu soo celin doonaa nabada magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool,” ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here