Xukuumadda Somaliland oo Ballanqaaday Bixinta Magta Dadkii Ku Dhintay Dibad-baxyadii Laascaanood

0
1840

Laascaanood (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay shaaca ka qaaday inay bixin doonto magta dadkii ku dhintay mudaharaadyadii ka dhacay magaalada Laascaanood.

Guddigii heer Qaran ee ku sugnaa gobolka Sool, kana koobnaa Wasiirrada, Agaasimayaasha guud, Xildhibaannada iyo Maamulka gobolka Sool, ayaa kulan la qaatay ehellada dadkii ku dhintey mudaharaadkii magaalada Laascanood ka dhacay.

Kulankan, ayaa waxaa la sheegay in xukuumadda Somaliland ay ehellada siisay aaskii Allah ha u naxariisto marxuumiintii ku dhintay mudaharaadyadii.

Waxaana dhinac kale xukuumadda Somaliland ay ballan qaadday in ay bixinayso magta Allah ha u naxariisto dadkii mudaharaadyada ku dhintay.

Kulankaasi, ayaa waxaa la sheegay inuu ku soo dhammaaday is-af-garad buuxa oo ay wada gaadheen Masuuliyiinta Dowladda Somaliland iyo ehellada marxuumiintii ku dhintay mudaharaadyadii ka dhacay magaalada Laascaanood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here