Daacigii Weynaa Ee Sheekh Ismaaciil Hoggaamiyihii Culimada Tabliiqa oo Geeriyooday

0
1072

Jeddah (Hargeisa Press) – Daacigii weynaa ee Sheekh Ismaaciil Maxamuud Cigaal oo ahaa Hoggaamiyaha Culimada Tabliiqiyiinta Geeska Afrika, ayaa ku geeriyooday dalka Sucuudiga oo dhowaan loo geeyay xaallad caafimaad.

Sheekh ismaaciil, wuxuu ahaa daaci u go’ay  dacwadda Illaahay iyo hannuunka dadka, wuxuuna in ka baddan lixdan sannadood ku soo jiray fidinta dacwadda, isagoo isaga talaabay qaaradaha aduuunka si uu dacwadda u fidiyo.

Dadka aqoonta u lahaa, ayaa sheega in Sheekh Ismaaciil xilli ku siman konton sannadood ka hor ganacsigii uu lahaa ee Magaalada Hargeysa subax keliya ka dhaqaaqay, iyadoo albaabadu u furan yihiin.

Waxaanu Sheekh Ismaaciil muddadaa wixii ka danbeeyay uu u go’ay dacwada Allah iyo inuu tunka u rito intii awooddiiisa ah sidii uu dacwadda u faafin lahaa.

Sheekh Ismaaciil, wuxuu ahaa aasaasaha xarunta ugu weyn Geeska Afrika ee sannad walba ay ku kulmaan kumanaan culimo ah oo qaaradaha aduunka ka kala yimi, taas oo ay suurtagal ka dhigatay nabadgelyada iyo deganaanshaha Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu ka aasaasay isla xaruntaa dhexdeeda Jaamacadda ugu weyn ee Diinta Islaamka lagu barto gobolka geeska Afrika, isagoo sidoo kale xarumo waaweyn ka sameeyay geyiga Soomaalida iyo gobolada kale ee ku yaal mandaqada.

Sheekh Ismaaciil, wuxuu ahaa Daaci door oo muuqda ku lahaa fidinta Diinta oo naftiisa iyo noloshisa u huray dacwadda, isagoo iskaga tegey aduunyada dhaldhalaakeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here