Xukuumada Madaxweyne Silaanyo Oo Qaab-Beelaysan Xabsiga Uga Siidaayey Danbiile ku Kacay Arin Gaf ku ah Diinta Islaamka

0
1023

Hargeysa, (HargeisaPress) —Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Madaxweyne Silaanyo Ayaa Qaab Beelaysan Xabsiga uga siidaayey Nin Dambiile ah oo mudo ku xidhnaa Xarunta C.I.D-a Magaalada Hargeysa

Ninkan Danbiilaha ah oo lagu magacaabo Xuseen Guuleed Jaamac (ina Guuleed Hawle)kuna Magac dheer (Afgaab)ayaa loo haystay Danbi la xidhiidha Hablo Muwaadiniin ah oo uu fadeexadeeyeyisla markaana uu si badheedha uu u ceebeeyey ka dib markii uu uu Jabsaday Email-ladoodii ka dibna sawiradii ugu jirey uu u adeegsaday inuu wajiyadoodii uu saaro Sawiro kale oo Anshax Xumo ah meel ka dhacna ku ah Dhaqankeena Suuban iyo Diinteena islaamka. ka dibna uu Sawiradaasi uu soo dhigay Baraha ay Bulshadu ku kulanto ee facebook-ga

Ninkan ayey Xabsiga dhigeen Ehelada Hablahan la fadeexadeeyey kaasi oo mudo ku xidhnaa Xarunta C.I.D –a ee Magaalada Hargeysa lana Baadhayey kiiskan,iyadoo Dadkii Kiiskan Gacanta ku hayey cadeeyeen in kiiskani ku cadyahay.

ina guuleed

Masuuliyiin Xukuumada ka tirsan ayaa si cad u soo faragaliyey kiiskan iyagoo Xubnihii Maxkamada iyo Xeer ilaalinta ee kiiskan gacanta ku hayey ku amrey in ay ninkan siidaayaan kana dhigaan Danbi la”aan hadii kale ay shaqadooda ku waayi doonaan , ilo wareedyo xogogaal u ah Arintan ayaa noocadeeyey In Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Madaxweyne Silaanyo isla markaana ay isku hayb yihiin ninkan Dambiilaha ah ee sida Beelaysan loo siidaayey ay sidoo kale ku mareen Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal iimaan iyo Baadhaha C.I.D,Cabdi kiin iyo Xeer ilaalintu in ay Bixiyaan Warqad arama oo lagusiidaynayo Ninkan Danbiilaha ah .

Ehelada Dhalay Hablahan oo aanu kula kulanay Baraxada hore ee Xarunta C.I.DA ayaa arintani ku Tilmaamay mid ka fog cadaalada isla markaana loo marey qaab beelaysan iyagoo arintan ku eedeeyey Masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada oo uu ka mid yahay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi cali xaaji xasan iyo sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal iimaan iyo Baadhaha C.I.D, ee Kiiskan gacanta ku hayey Cabdi kiin

Geesta kale mar aanu la xidhiidhnay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal iimaan oo aanu isku daynay in aanu wax ka weydiino arintani ayuu ka gaabsaday in uu jawaab sax ah -naga siiyo arintani.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here