Shirkadda Sharaabka SBI Oo Daahfurtay Barnaamij Bisha Ramadaan Soconaya Oo Lagu Caawinayo Xarunta Agoomaha Hargeysa + SAWIRRO

0
824

Hargeysa, (HargeisaPress) β€” Warshadda sharaabka Waddaniga ah ee SBI ayaa maanta daah furtay qorshe socon doona bisha barakaysan ee ramadaan oo wax loogu qabanayo xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa.

Masuuliyiin ka tirsan warshada sharaabka ee SBI oo ay weheliyaan xubno ka socday xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa iyo masuuliyiin ka tirsan wasaarada diinta iyo awqaafta somaliland oo maanta shir jaraa,id ku qabtay xarunta warshadaasi ee magaalada Hargeysa ayaa faah faahin kaga bixiyey qorshahan.

Madaxa iibka iyo suuq geynta ee shirkada SBI Maxamed Naasir Cali ooΒ  ugu horayn ka hadlay barnaaamijkan ay daah furayaan ayaa waxa uu yidhi β€œWaxaan hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa macaamiisha shirkada SBI meel kasta oo ay joogaan waxaanan leeyahay ramadaan kariim,Barnaamijka aynu maanta iskugu nimid waa barnaamij khayriyaΒ  sida aad ogtihiina hore shirkadan SBI waxay qabatay barnaamij la mid ah kan oo ay hir gelisay sanadkii hore, barnaamijkana waxa la yidhaahdaa CAB OO SADAQADAYSOΒ  taas oo macnaheedu tahay in qof kasta oo caba sharaabka SBI uu sadaqadaysan doona konton shilin oo ka mid ah lacagtaas uu siistay sharaabka, taas oo noqon doonta mid loo ururiyo agoomaha oo la siin doon, sanadkana waxaanu ugu tala galnay xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa.” Ayuu yidhi Maxamed Naasir.

DSC02665(1)

Madaxa suuq geynta iyo iibka ee shirkada SBI oo hadalkiisa sii wata ayaa faah faahinaya barnaamijkan waxaanu yidhi β€œWaxaanu doonaynaa in caruurtaas agoonta ah eeΒ  caruurteena oo kale ah inay dareento farxad marka ay ramadaantu dhamaato ee ciidu soo gasho, sida aad hore ula socotaana shirkada SBI waxay ku dedaashaa in macaamiisheeda iyo dadweynaha isticmaala sharaabkeeda inay ku celiso qayb ka mid ah wixii ay ka iibsadeen tanina waxay ka mid tahay barnaamijyada ay shirkadu ugu tala gashay dadweynaheeda si dib ugu celiso, walibana barnaamijkani waa mid khayriya maadaama oo aynu ku jirno bishii barakaysnayd ee Ramadaan oo ah xiligii sadaqada la bixinayey oo ay ajar laban laab ah leedahay, waxaanan ugu tala galnay barnaamijkan inay dadku ka faa,iidaystaan shirkaduna ay ka faa,iidaysato dadkuna waxay sadaqadaysanayaan konton shilin kaas oo noqon kara marka la ururiyo lacag badan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in lacagta barnaamijkan lagu ururinayaa aanay ahayn mid la dul saaray qiimaha sharaabka balse laga jari doono lacagta ay shirkadu qaadanayso waxaanu mar kale yidhi β€œKontonkaas shilin maaha lacagΒ  dusha laga saarayo sharaabka, sharaabkuna qiimihiisa caadiga ah ayuu ahaanaya waxaana kontonkaasΒ  shilin laga jarayaa lacagta ay shirkadu qaadanayso, qofkuna isaga oo markii hore cabayey ayuu hadana waxa uu dareemayaa inuu sadaqadaysan karo cabitaankiisii horeΒ  oo imikana ajar ugu jiro.”

Agaasimaha qaybta fatwada ee wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Yuusuf Cabdi Xoore oo isaguna ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa aad u soo dhaweeyey barnaamijkan ay isticmaalayso shirkada SBI waxaanu yidhiΒ  β€œ waxaan salaamayaa madaxa shirkada SBI ee bisha ramadaan dadka masaakiintaΒ  siisa wixii ilaahay uga soo saaro barnaamijkaas magaciisa la yidhaa cab oo sadaqadayso, qof wixii uu cunay ama cabay sadaqadaysana waa cajiib, barigii hore qofku waxa uu cabo sadaqad muu geli jirin laakiin imika waxa la yidhi wixii aad adigu cabtay sadaqad ayaa ku jirta,Β  dadka baahan gaar ahaana agoomahaΒ  waa dadka xaqa u leh in sadaqada la siiyo,waana dadka aadka ugu baahan in la gacan qabto oo la siiyo lagana farxiyo, wixii sanadkan soo baxana waxa la siin doonaa xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa, shirkadana waxay aad cajiib ugu noqotay habkan sadaqaysiga ee aan markii hore la garanayn laakiin markii la bilaabay lagu guulaystay lacag badanina ka soo baxday, dadkii la siinayeyna wax badan ayey tareen halkaasna waxaynu ka garanaynaa habka wax loo bixiyo, shirkada SBI ayaana ilaa hada ah shirkada kaliya ee nidaamkan isticmaasha, waanan ku bogaadinaynaa barnaamijkan ayΒ  wadaan” ayuu yidhi Sheekh Yuusuf Cabdi Xoore.

DSC02660(1)

Gudoomiyaha xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa Sheekh Siciid Cabdi Gaboobe ayaa isaguna dhiniciisa u mahad celiyey masuuliyiinta shirkada SBI isla markaana soo dhaweeyey barnaamijkan waxaanu yidhi β€œBaahiyaha ka jira xarunta agoomuhu way badan yihiin laakiinΒ  shirkada SBI ayaa soo bandhigtay firkadan aadka u barakaysan inay dadkeenu caawiyaan dadkan taabalaysan ee dadkeenii ah, waxa keentay baahi anaguna codsi ayaanu u gudbinay codsigiiΒ  iyaguna si fiican ayey u ajiibeen sanadkii horena barnaamijkan oo lagu baahiyey dalka oo dhan xaruntu waxay heshay $2500 waxaanay ahayd lacag ay aad ugu baahnayd xaruntu, waxaanan ilaahay ka rajaynaynaa inuuu shirkadaas xoolaha yaala u barakeeyo sharkana ka ilaaliyo dadweynaha waxaan ku boorinayaa inay iibsadaan sharaabka ay shirkadu soo saarto.”Ayuu Hadalkiisa ku soo xidhay Sheekh Siciid Cabdi Gaboobe.

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

Β 

Β 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here