XOG RASMI AH: Xildhibaano Lagu iibsadey 2500$ Maayiradii Gabiley soo Cunay oo Xaflad loo qabanayo iyo Dadweynaha Reer Gabiley oo Layaaban Dakhliga Maayarku Kulmiye Ku Bixinayo

0
872

Gabiley, (HargeisaPress) — Maayir Maxamed-Amiin oo mudooyinkii u dambeeyay danta umada iyo ta Deegaanka indhaha ka qarsadey islamarkaana ku hawlan Xafladaha Kulmiye waxa dhawaan ku baxey Xildhibaano katirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley lacag ka badan 20,000$ oo lacagta dolarka mareykanka ah iyadoo Xildhibaanada lasiiyay Xildhibaa  kasta lacag dhan..2500$ oo lacagta dollarka Mareykankq   ah iyo dadkii loo soo ururiyay Xafladaas oo kharashkooda oo Dowladda hoose ee Gabiley kharashka wada bixisay.

 

Waxa layaab ku noqotey Shacbiga Reer Gabiley in lasoo ururiyey Maayaro Gabiley soo cunay oo dhamaantood Taariokh xumo kaga tagey xilka ,kuwaasi oo ay ka mid yihiin Xuseen Jameeco, Maxamed Cabaas iyo Aadan  Muxumed Badde .

 

Waxaaney xaqiiq ahaan tani Xisbiga Kulmiye usoo jiideysaa sumcad xumo weyn kadib markii loo waayey dad tayo leh oo lagu kharash gareeyo cashuurta danyarta laga guro oo aan Gabiley wax loogu qaban mudadii uu joogay Maayar Amiin.

 

Akhriste dhamaan arimahaa aan soo xusay,  iyo qaar kale oo badaniba waxay kuu cadaynaysaa in Gobolkii haddaa uu maraayo meeshii ugu hoosaysay, hadii ay tahay maamul xumo iyo kala geyn  be esha gu deheeda ka dhex bilaabanta, hadaba su’aasha is waydiinta lihi waxay tahay ,Gobolkii  maan ta bad baado ayuu u baahan yahay, ee  yaa bed baadinaaya?

 

Maayir Maxamad Amiin  ayay markii la doortay bulsho waynta ku dhaqan Gobolka Gabiley  rajo wayn ka qabeen in uu Maayarkani ku talaabsan doono waxqabad muuqda. Laakin taasi ma dhicin.

 

Maxamad Amiin Cumar Cabdi waxaanu noqday Maayarkii ugu Maamulka xumaa ee soo mara Dagmada Gabiley ka dib markuu ka talo qaatay Khabiirka  ku xeel dheer Musuqmaasuqa oo Shan Maayar la soo shaqeeyay  Xoghayaha Dawlada Hoose Cabdi Raxmaan Nuur Abokor.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here