Xisbiga KULMIYE oo soo Dhaweeyey Taageerayaal cusub oo ka kala Tirsan Afar Degmo Caasimadda Hargeysa ah + SAWIRRO

0
1291

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xisbal-xaakimka KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey boqolaal taageerayaal cusub oo ka kala tirsan degmooyinka Gacan-libaax, Maxamuud Haybe, Maxamed Mooge iyo 31-ka May ee caasimadda Hargeysa.

Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay huteelka KAAH ee magaalada Hargeysa maanta, kana qaybgaleen Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi, ku-xigeennadiisa labaad iyo saddexaad, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga, masuuliyiin kale iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga iyo xukuumaddaba, taageerayaal badan oo isugu jira haween iyo dhallinyaro si rasmi ah ugu biiray xisbiga.

Khudbado kala duwan oo madasha laga jeediyey waxa lagaga hadlay taageerayaasha cusub ee la midoobay KULMIYE iyo muhiimada ay leeyihiin ee ay xisbiga ku soo kordhiyaan, iyagoo lagu wargeliyey in xisbigu yahay mid ummaddu wada leedahay oo aanay cidi ka xigin, waxa kaloo lagaga hadlay xaaladaha guud ee waddan ee dhinacyada siyaasadda iyo saamaynta ay ka tageen abaarihii culsaa.

Halkan hoose ka daawo Sawirada Xaflada

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here