Xilka qaranku meherad laga taajiro maaha, waa madal loogu adeego ummada. Qalinkii: Maxamed Sidiiq Dhamme

0
988

Masuul sabool ahaa, oo qoyskoguna dhaqaale lagu xanto iyo xoolo dhaxala aan lahayn adduun buuran iyo hayn uu daaro dhaadheer ku binaysto lahayn. Markuu xil qaran qabto hadduu dhisto fiilo iyo fooq kala jiidan oo uu gaadhi qaaliya oo qufalan ku raaxaysto miyaanu ahayn tuug xoolihii ummadda ka dhexeeyey boobay oo budhcada? Mushaharka masuulkaasi waa dhawr milyan iyo gunno aan dhaafsiisnayn nolosha qoyskiisa ee bishii. Shaxaadka u bixinaayo malaynmaysid, waxa u furan marfashyo lagu barjeeyo oo laga amaano qaarna lagula taliyo oo qarash ku baxo.

 

Siyaasaddeena hoggaamineed iyo masuliyadda maamul ee dawladeenu waxay noqotay madal loo faa’iido iyo macaash doonto oo laga taajiro, waxayse hilmaameen qoladaasi mamtay ee xoolaha ummadda boobaysaa inay quudanayaan naar iyo dhunkaal aan laga dhaafayn ganbo. Inta aynu helayno hoggaan daacada oo ka beriya musuqmaasuq iyo xatooyo halka eegga la taagan yahay hore looga socon maayo.

 

Xukuumaddeena xaraasha ee dantii guud ee ummada aan ka reebin rubuc yaanay ilaawin in qalinka mawle qoraayo musuqa xadhakaha goostay ee ay falayaan, mustaqablka ninkastaa wuxuu dhitaystay maalinba iman doonta lala xisaabtami doono. Waan nasiib daro iyo aayo la’aan dadka maanta ka taajiray ee hantiilayaasha ka noqday cashuurta ay ka cagaaganyihiin caydiga miyiga jooga, cashuurta ay ka umul arooraan hooyooyinka uurlayda ahi sannad kasta, cashuurta ay ka haraadan yihiin abydinka aan haysan biyo nadiifa, cashuurta ay ka tahriibayaan dhallinyarada aan haysan cid jihaysa iyo maamul tudhaale leh, cashuurta ay ka qatan yihiin saboolka aan haysan dhuuni.

 

 

 

Dhamme sadiiq
Dhamme sadiiq

 

 

 

 

 

 

Ninkasta oo maanta calool buuran oo ku naaxay xoolaha ummada, masuulkasta oo doolar badan iyo daar dhitaystay oo hanti ka dhaqday hoggaaminta dalka waxaan xasuusinayaa in xisaabti Alle maqan tahay oo aan laga dhaafayn xatooyada uu samaeeynaayo. Mudane madaxweyne ama jooga ama maqnay, ama tali ama ha talin, ama ogow ama mooganoow, ama xad oo la boob, si kastoo oo xaal yahay masuuliyadda adigaa u dhaartay, boobka qaranka lugu hayaan waa guudkaaga.

 

Markaad daaraha dhamaysaan hadaad ku dartaan xarashkooga dooxyada , buuraha baddaha , wax idinka baxsadaana aanu jirin. Idiin Noqon Maayo faa’iido balse dhito aan waligeed idinka dhamaan dooniin aakhirna aad dhamadhamadeeda ka qoomamoon doontaan, xatoyadda xoolaha ummada lagu hayo, boobka hantida ummada aan la midh la reebin waa xisaab qoran oo lays horkeenayee ogaada.

 

Maxamed Sidiiq Dhamme

Msadiiq1@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here