Musharax Muuse Biixi Oo Ehelada, Shacabka Somaliland Iyo Djibouti Ka Tacsiyadeeyey Geerida Ganacsade Ibraahin Dheere Oo Ku Geeriyooday Djibouti.

0
782

Hargeysa, (HargeisaPress) — Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ahma musharaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa dhanbaal tacsi ah gaadhsiiyey ehelada, qaraabada iyo asxaabta uu ka geeriydooday Ganacsade Ibraahin Cabdi Kaahin oo ku geeriyooday magaalada Djibouti ee xarunta wadanka Djibouti.

 

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna musharaxa madaxweyne ee xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi waxa uu ehelada marxuunka iyo guud ahaan shacabka Somaliland ilaahay uga baryey inuu samir iyo iimaan ka siiyo , marxuunka naxariistiisii jano ka waraabiyo,

 

warsaxaafadeed uu soo saaray  gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa u dhignaa sidan

 

“Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka tacsiyadaynayaa qoyska, qaraabada, asxaabta, ganacsatada iyo shucuubta dalalka Somaliland iyo Djibouti geerida ku timi Alle ha naxariistee ganacsade Marxuum Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheere) oo ku geeriyooday dalka Djibouti maanta (12/11/2015).

 

 

Mudane Muuse Biixi waxa uu ku sifeeyey Marxuum Ibraahim Dheere maalqabeen magac ku lahaa guud ahaan Gobolka Geeska Afrika, isla markaana waxtar fara badan ku lahaa horumarka bulshada ku dhaqan Gobolka, gaar ahaana door wayn kaga jiray dalalka Djibouti iyo Somaliland. Ugu dambayntii, Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, asxaabta, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka inuu samir iyo iimaan innaga siiyo Marxuumka. Aamiin…. Aamiin….Aamiin.

 

 

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE .

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here