Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo Safar Ku Tagay Itoobiya

0
1125

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa waxaa uu socdaal shaqo ku tagay dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya.

Taliyaha, ayaa wuxuu kulamo muhiim ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Federaalka Itoobiya  General Demelashe G/Mechiel.

Safarkan oo ujeeddadiisu ahayd iskaashiga labada dawladdood ee dhinac amniga iyo Tababarrada labada Ciidan Boolis.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi, ayaa waxa  Kulankaasi ku wehelinayay Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Booliska Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here