Xildhibaan Bashiir Tukaale oo Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay inuu Maalin walba Markhaati ka noqdo dhalinyarada Tahriibaysa

0
863

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xildhibaan Bashiir Tukaale oo  ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Xisbiga Waddani  ayaa Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay inuu Maalin walba Markhaati ka noqdo dhalinyarada Tahriibaysa.

Xildhibaan Bashiir ayaa si kulul Madaxweyne Siilaanyo ugu dhaliilay in aanay Shaqo abuur u samayn Arday ka soo baxaysa Jaamacadaha Dalka laakiin ee Sanad Kasta soo baxaysa isagoo arinkaa ka hadlaya wuxuu yidhi:-  “Horta in dadku wax bartaan way fiican tahay, inta wax baratay ee si dhab ah wax u baratay waan hambalyaynayaa, laakiin Maalin walba waxa Qalin jabinayaa intaa , Madaxweynihiina wuu u Qudbadaynayaa, Madaxweynuhu wuxuu Markhaati ka noqonayaa inta Tahriibaysa, ee Tahriibi doonta ayuu Maalin walba Goobjoog ka yahay, waayo dee Wax camal ah oo uu u hayaa ma jirto ama uu u Abuuray, Masuuliyaduna isaga ayay saran tahay, inuu Ummada Jaamacadaha ka soo baxaysa uu Camal u sameeyo, laakiin Haddii uu maalin walba Markhaati noqdo, Maanta Afar boqol baa Jaamacadan ka qalin jabisay, Afartaa Boqolna way Tahriibayaan dee Tahriibta ayuu Markhaati ka yahay ilayn Qalin jabin Markhaati kama Noqonayee”.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here