Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Oo Ka Jawaabay Basaboorro Somalia Sheegtay In Somaliland Loo Soo Waday

0
852

Hargeysa, (HargeisaPress) β€” Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle sarre Maxamed Cali Yuusuf (Maxamed Camabaro), ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay dhigiisa Somalia oo ku saabsanaa 50 Basaboor oo Somaliland loo soo waday.

Gaashaanle sarre Maxamed Cali Yuusuf (Maxamed Camabaro), waxa uu sheegay inaanu garanayn sabab Somaliland loogu soo waday Basaboorrada Somalia.

β€œBasaboorada Muqdsiho lagu qabtay ee la yidhi waxa loo soo waday Hargaysa, garan maayo sabab loogu soo waday, maxa yeelay Somaliya waa dal, Somaliland waa dal wax iskaga jiraana ma jiro, waxaana u arkaa Basaboorka Somaliya inuu yahay Saanbuuse laga eedamay, maxa yeelay Somaliland hadda waxa ay leedahay Basaboor u gooniya, oo E Basaboor la yidhaahdo, waxaana Xarunta lagu bixin doono Basaboorkan casriga Maanta (Shalay) xadhiga ka jaray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) waxaanu Basaboorkan oo casri ahi uu muujinaya qaranimadeeda iyo inaynu nahay dalΒ Β  madax banaan, oo aan u baahnayn Basaboorka Somaliya, waxaana Basaboorkan lagu tagi karaa ilaa iyo 26-dal” ayuu yidhi Gaashaanle sarre Maxamed Cali Yuusuf (Maxamed Camabaro) oo Geeska Africa u waramay.

Taliyaha Socdaalka Somaliland waxa uu intaasi raaciyay β€œSomaliland waa dal nabad ah, oo dadkiisu isku tashaday, waxaana dadka reer SomalilandΒ  kula talinayaa inay si muujiyaan inay yihiin dal iyo dad wax qabsaday, isla markaana si wanaagsan ay isku diiwaangeliyaan marka laga gaadho Diiwaangelinta si loo ogaado tirade buuxda ee dadka reer Somaliland iyo tirada dadka Ajaanibka ah ee dalka ku sugan”.

Taliyaha Socdaalka Somalia Mr Gafoow ayaa doraad sheegay inay Madaarka Muqdisho ku qabteen 50 Basaboor oo loo Waday Arday Somaliland ah.

 

Hargeisa Press News Desk β€” Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here