Xaflad Lagu Xusayo Sanad Guurada 55aad ee ka soo Wareegay markii Somaliland Xornimadeeda kala soo noqotay Boqortooyadii Ingiriiska oo lagu qabtay Madaxtooyada + SAWIRRO

0
1085

Hargeisa, (HargeisaPress) —Xuska 26-June 1960 kii oo ku beegan maanta oo jimce ah ayaa si weyn looga xusay guud ahaan dalka Somaliland gaar ahaana waxa xaflada xornimadii qaranka Somaliland ka helay ingiriiska 26-June-1960kii  lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo uu madaxweynuhu goobjoog ka ahaa.

DSC_0187

Xafladan qiimaha badan ayaa waxa isugu yimid odayaal iyo masuuliyiintii wakhtigii ay Somaliland qaadatay Xornimada kala wareegay Boqortooyadii Ingiriiska, waxaana ka mid ahaa DC-gii ama Gudomiyihii wakhtigaasi lagu wareejiyey xornimada Somaliland oo ahaa Cismaan Axmed Xasan (Indhoole), Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi Waraabe), Maxamuud Aadan Dheri, Saxardiid Raage oo dhamaantood ka waramay qiimihii xornimadu lahayd, Dareenkii, xamaasadii iyo sidii loogu wareejiyey Somaliland.

????????????????????????????????????

DSC_0280

Sidoo kale waxa xafladan ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse biixi Cbadi, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Aadan Xaaji Cali, Marwada Qaranka Somaliland Marwo Amina Sheekh maxamed Jirde, Wasiiro, Xildhibaano, Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan, iyo Masuuliyiin tiro badan oo kale.

 

????????????????????????????????????

 

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here