Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka oo Kulan La Yeeshay Ilaaliyeyaasha Imitixaanka Shahaadiga

0
604

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xafiiska imtixaanaadka qaranka Somaliland, ayaa waxaa uu maanta kulan balaadhan la yeeshay ilaaliyeyaasha imitixaanka shahaadiga ee fasallada 4-aad ee dugsiyada sare iyo fasallada 8-aad ee dugsiyada dhexe oo dalka looga fadhiisanayo 17 bishan.

Kulankan oo ka qabsoomay magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ka qayb galay madaxda iyo masuuliyiinta kala duwan ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo Madaxda Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka.

Kulankan, ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo baraarujin lahaa islamarkaana loo dardar gelin lahaa ilaaliyeyaasha goobaha kala duwan ee imtixaanaadka lagu qaadayo ee dalka.

Waxaa kulanku intii uu socday ilaaliyeyaasha goobaha imtixaanaadka lagu siiyay aqoon kororsi la xidhiidha meelaha muhiimka ah ee loo baahan yahay inay xooga saaraan iyo sidii ay iskaga xil saari lahaayeen masuuliyada culus ee loo igmaday.

Ugu horayn waxaa kulanka hadalo dardaarana ka jeediyay xubno ka mid ah Guddoomiyeyaasha iyo khubarada mudada dheer ka soo shaqaynayay ilaalinta imtixaanaadka, iyagoona ilaaliyeyaasha imtixaanaadka ujeediyay dardaaran la xidhiidha sidii masuuliyadan ay iskaga xil saari lahaayeen.

Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax iyo Guddoomiye ku xigeenka Xafiiska oo iyaguna madasha hadal ka jeediyay, ayaa ilaaliyeyaasha kula dardaarmay sidii ula dagaalami lahaayeen waxyaabaha lidiga ku ah imtixaanaadka ee ku aadan qishka iyo moobilada.

Sanad kasta marka la gaadho bisha June ayay qaadaa dowladda Somaliland Imtixaanka Shahaadiga ee fasalada afraad iyo sideedaad ee dalka.

Waxaana sanadkan Imtixaanka Shahaadiga ee fasallada 4-aad ee dugsiyada sare iyo fasallada 8-aad ee dugsiyada dhexe u fadhiisanaya in ka badan 41,000 arday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here