Mareykanka oo $5 Milyan Dul-dhigay Madaxa Sarkaal Ka Tirsan Al-Shabaab

0
1286

Washington (Hargeisa Press)- Dowladda Mareykanka, ayaa 5 milyan oo dollar dul-dhigtay madaxa sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu sheegay, Cabdallaahi Cusmaan Maxamed oo loo yaqaan Injineer Ismaaciil.

Barnaamijka abaal-marinta Cadaaladda, Rewards for Justice (RFJ) ee Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in $5 milyan la siin doono cid kasta oo keenta akhbaar hoggaamin karta aqoonsiga ama halka uu ku sugan yahay ninkani.

Mareykanka, ayaa shaaca ka qaaday in Cabdallaahi Cusmaan Maxamed uu yahay Injineer khabiir sare oo Al-shabaab u sameeya qaraxyada.

Sidoo kale, waxaa warbixinta lagu sheegay in sidoo kale uu yahay la-taliyaha hoggaamiyaha guud ee kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay dowladda Mareykanka.

Mareykanka, ayaa sidoo kale intaas ku daray in Cabdallaahi Cusmaan Maxamed uu sidoo kale yahay madaxa waaxda warbaahinta Al-shabaab ee Al-kaib.

“Ma heysaa macluumaad ku saabsan Cabdallaahi Cusmaan Maxamed?” ayuu lagu yidhi warbixinta uu soo saaray Mareykanku.

Waxaa kale oo uu Mareykanku ballan-qaaday in qof kasta oo keena xogtiisa la qarin doono, isla-markaana lagu wareejin doono lacagta abaal-marinta ah ee la dul-dhigay Cabdallaahi.

Mareykanka, ayaa hore sidaan oo kale lacag u dul-dhigay hoggaamiyeyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay oo $ 5 milyan la dul-dhigay Cali Maxamuud Raage oo loo yaqaan Cali Dheere, isla-markaana ka tirsan madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab.

Cali Dheere, ayaa ahaa afhayeenka Al-Shabaab tan iyo bishii May ee 2009, sidoo kalena waa hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda.

5-tii January 2023 dowladda Mareykanka, ayaa waxay 10 milyan oo dollar ugu yabooday inay siin doonto cid kasta oo keenta xog hoggaamin karta in la soo xidho ama dambi lagu helo Macallin Ayman, oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Mareykanka, ayaa sidoo kale 13-kii January 2023 ku dhawaaqay abaal-marin lacageed oo gaadhaysa 10-milyan oo dollar oo la siinayo ciddii keenta xog ku saabsan Maxamuud Cabdi Aadan iyo dadkii kale ee mas’uulka ka ahaa weerarkii Hotel DusitD2 ee 2019-kii ka dhacay magaalada Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here