Shirkadda Caymiska Ee Takaful oo Dhameys-tirtay Adeegyaddii Caymiska

0
1056

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha shirkadaha Caymiska ee Takaful Cumar Xaaji Xuseen Cumar Xaashi, ayaa golaha Guurtida ku boggaadiyay ansixinta Xeerka shirkdaha Caymiska Somaliland, waxa uu tilmaamay in xeerka la meelmariyay uu bulshada Somaliland uga dhigan tahay tiirkii afraad ee dowladdnimada oo la dhammeystiray.

Waxaa uu xusay in xeerkani mudnaan gaara u leeyahay qaranka Somaliland, waxaanu golaha Wasiirada iyo Madaxweynaha iyo golaha Wakiillada, ku boggaadiyay soo gudbinta xeerka ahmiyada u leh bulshada.

Dhinaca kale, waxa uu bulshada ugu baaqay inay dhammaan diyaar u yihiin dhammaan adeegyadii caymisku, maadama xeerkaasi la ansixiyay.

Shirkadda Takaaful, ayaa noqonaysa shirkadii u horraysay ee xagga Caymiska ah ee soo dhaweysa, isla markaana hanbalyaysa ansixinta xeerka Shirkaddaha Caymiska Xeer LR.104/2022.

Waxaanu yidhi.“Golaha Guurtida JSL, waxa ay ansixiyeen xeer muddo badan la sugayay, Xeerkani waxa uu Somaliland uga dhigan yahay tiirkii afraad ee dowladdnimo, dowladdnimada qaybo badan ayaa la dhammeystiray, kii u danbeeyay maanta ayaa la dhammeystiray, Caymisku dowladdaha adduunka ka jiro wuu ka jira, maanta waddanka waxa aad u ansixiseen xeer wax badan u taraya, oo dad badan oo Somaliland aan jeclayni ay tushuush ku furijireen, Somaliland waxa ay can ku tahay hormood, horumar iyo horu socod”

Waxaa uu sheegay in Shirkadooda oo 15 sano ka shaqaynaysay arrimaha Caymiska ay nasiib u helaan in ay noqdaan shirkadii u horraysay ee hanbalaysa ansixinta xeerkani, waxaanu intaas ku daray in Xeerkan Caymisku waafaqsan yahay Shareecada Islaamka.

Waxaanu yidhi.“Anaga muddo 15 sano ka shaqaynaynay arrimaha Caymiska waxa aanu nasiib u helay, in aanu noqono shirkadiii u horraysay ee hanbalyaysa ansixinta xeerkani, waxaan u mahadceliya golaha guurtida, golaha wakiillada iyo golaha wasiiradda.

Xeerkani Somaliland waxa uu u horseedaya arrimo badan oo xagga dhaqanka iyo dhaqaalaha ah, bulshaduna in badan ayay soo waday Caymiska ku dhisan reeraha, balse maanta Caymis ku dhisan shirkado, nidaam iyo hay’addo dowladda iyo shicibku kawada mid yihiin ayaa la inoo ansixiyay.

Bulshada Somaliland waxaan ku wargelinaya in Caymiskani waafaqsan yahay Shareecadda Islaamka, waa mid aynu kaga duwanahay mandaqadan aynu joogno ee aynu ku noolnahay ee Barriga Afrika, waa dalkii u horeeyay ee labadiisa gole Caymis Islaami ahi ansixiyaan, oo ay ka dhigaan xeer waddankan lagu dhaqayo, isla markaana waafaqsan Shareecaddii, Dhaqankeenii fiicna iyo habkii aynu u wada noolayn bulsho ahaan”

Guddoomiye Cumar Xaaji waxa uu bulshada ku wargeliyay in arrimaha Caymiska oo heer caalami ah ay u dhammeystireen, uguna adeegayaan.

Waxaanu yidhi.“Madaxweynaha Somaliland ayaan uga mahadcelinayna in uu ka dhabeeyay balanqaadkii uu u qaaday bulshada in bulshadu yeelato Caymis, shirkad ahaana aad iyo aad ayaanu u soo dhaweynaynaa.

Adeegyadii waanu idiin diyaarinay arrimihii Caymiska oo dhan, ka shirkad ahaan waxa aanu idiin diyaarinay Caymis waafaqsan dhaqankeena iyo dalkeena.

In Somalilandna markasta ahaato hormoodka, hadday tahay Dimuquraadiyada, haday tahay baananka, haday tahay Caymiska iyo haddii ay tahay Maalgashiga caalamiga ah oo ay dalalka jaarku inagaga daydaan”

“Gaadiidka bulshadeena naafeeyayna ee qoys iyo qabiilba lala ildaran yahay nidaam aynu u sameyno, wada maristiina aynu nidaam u sameyno, dhallinyaradii shaqeynaysay inay gaadiidkooda caymis gashadaan, oo uu tolkii culayska ka dulqaado, Somalilandna dhaqaale badan ayaa ugu soo hoyanaya” ayuu yidhi Guddoomiyaha shirkadaha Caymiska ee Takaful Cumar Xaaji Xuseen Cumar Xaashi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here