Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) Oo Si Dareen Leh Uga Waramay Jawigii Maalintii Lagu Dhawaaqayey Qaran-nimada Somalililand

0
2319
Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye oo ku magac dheer Aadan Baradho

Hargeysa,(HargeisaPress) —Muuqaal kooban oo kamida Wareysi dhawaan lala-yeeshay Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye oo ku magac dheer Aadan Baradho oo uu kaga hadlaayey dareenkii bulshada reer Somaliland ee maalintii lagu dhawaaqaayey  Gooni Isu-taaga dib ula soo noqoshada Qaran-nimada Jamhuuriyada Somaliland oo uu ahaa Xoghayihii iyo Afhayeenkii shirkii lagaga dhawaaqay gooni isku-taaga Madaxbanaanida Somaliland, oo uu isagu Afkiisa kaga dhawaaqay ayaa waxa uu si dareen leh uga waramay jawigii bulshada reer Somaliland ee maalintaasi taagnaa.

Dhinaca kale Xaaji Aadan Axmed Diiriye waxa uu si dareen muwaadin-nimo ku dheehan tahay uga qiirooday Jawigii maalintaas ee bulshada reer Somaliland iyo kan maanta ee qabyaalada iyo qayb-sanaanta ah oo aad u kala fog isagoo isla markaasina si dareen leh uga qiirooday indhihiisana ilmo kasoo daadatay.

Daawo Muuqaalkan kooban oo qayb yar oo kamid ah lagu faafiyey baraha bulshada si qaldan loogu faafiyey, balse aanu raadinay muuqaalkii oo dhamaystiran iyo qaabkii Xaaji Aadan Axmed Diiriye uga waramay Xaaladaasi ku dhawaaqista Gooni isku taaga Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here