WHO: Xaalladdu waa ay ka sii dari kartaa haddii la khafiifiyo xayiraadaha Covid-19

0
677

Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa dunida uga digay in la qaado xayiraadaha loogu talagalay la dagaalanka faafidda coronavirus isagoona walaac ka muujiyay in xaalaada ay ka ii dari karto haddii ay taasi dhacdo.

Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in dalalka caalamka ay ka foojignaadaan khafiifinta xayiraadaha, xitaa inkastoo ay dhaqaalaha saameyn ba’an ku yeesheen xayiraadahaasi.

Spain iyo Talyaaniga oo ah dalalka Yurub uu sida ba’an u saameeyay fayraska Corona ayaa haatan labaduba waxay khafiifinayaan qaar ka mid xayiraadihii ay ku soo rogeen dalalkooda.

Guud ahaan dunida waxaa laga xaqiijiyay 1.6 malyan oo kiis halka dhimashaduna ay mareyso in ka badan 101,000.

Dr Tedros oo ka hadlayay magaalada Geneva ayaa sheegay in hoos u dhac xanuunka Covid0-19 laga dareemay qaar ka mid dalalka Yurub.

Waxa uu sheegay iney jiraan qorshooyin lagu khafiinayo xayiraadaha kuwaasi oo ay WHO kala shaqeyneyso dowladaha caalamaka balse ma ahan in si dhakhsiya loogu dhaqaaqo.

Sida ay Spain iyo Talyaaniga u khafiifinayaan xayiraadaha?

Dowladda Spain ayaa isu diyaarineyso in Isniinta shaqaalaha qaar ka mid ah waaxaha dhismaha iyo warshadaha u ogolaato iney dib u bilaabaan shaqooyinkooda.

Spain ayaa Jimcihii diwaan gelisay tirada dhimashadii ugu yarayd muddo 17 maalmood ah, taasi oo gaadhay 605 qof. Sida laga soo xigtay tirakoobkii ugu dambeeyay, tirada shimashada Spain ee la xiriirta Coronvirus ayaa gaadhay 15,843.

Raysal Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa sii kordhiyay xayiraadaha saaran dalkiisa ilaa 3-da bisha May, hase yeeshee ganacsiyo yar-yar oo xidhna tan iyo 12-kii Maarso ayaa maalinta talaadada loo ogolaan doonaa in dib loo furo.

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here