“Weriyaha nabadgeliyo darro uga Ordaya Somaliland waa wax aan jirin iyo khiyaali”….

0
569

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Waxa maalmahan aad loo hadal hayay weriyeyaal reer Somaliland ah oo u baxsaday magaaladda Muqdisho, kuwaasoo sheegay in ay nabad geliyo darro uga yaaceen Somaliland.

Weriyeyaashan Xamar tegay ayaa laba ka mida waxay ka hawl-galaan shebekadda Hadhwanaag, halka weriye Siciid Faarax Muuse, oo isagu bishii hore Muqdihso tegay uu ka hawl-gallo Tv-ga madaxa banaan ee Horyaal iyo wargeyska dawladda ee Dawan.

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa waxba aan jirin ku tilmaamay in weriyeyaal reer Somaliland ah iyagoo ku andacoonaya sababo amaan darro ay uga baxsadeen Hargaysa, una tagaan Muqdisho.

Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), waxa uu sheegay in aan la aqbali karin in weriyeyaal reer Somaliland ah ay ku doodaan in amaan darro soo waajahday darteed ay ugu baxsadaan Soomaaliya.

“Waxaan qabaa, ama xaqiiqadu tahay in Somaliland ninka uga Ordaya nabadgeliyo darro, halka (Muqdisho) uu ku Ordaya-na ay cid waliba garanayso, in waxa ay sheeganayaan ay tahay wax aan jirin.

Weriyeyaasha Soomaaliya, ilaa intii ay Somaliland jirtay Hargaysa ayaa lagu tababaraa. Haddii Hargaysa ay nabadgeliyo darro tahay, weriyeyaasha reer Soomaaliya laguma tababareen Hargaysa.

Taasaa kuu cadaynaysa, ama qof waliba garan karaa, in waxa ay sheegayaan weriyeyaashaasi in aanay waxba ka jirin”ayuu yidhi guddoomiyaha SOLJA oo u waramay Horn Cable TV.

Xuuto, ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyay weriyeyaasha Muqdisho tegay iyo waxyaabaha ay ku andacoodeen ay Hargaysa uga baxsadeen.

Waxaanu yidhi “Weriye Siciid Faarax Muuse, oo ka hawl-gala TV-ga Horyaal iyo wargeyska dawladda ee Dawan, bixi taankiisu wuxuu ku soo beegmay markii la xidhay TV-ga  Horyaal. Markaa sabab uu Hargaysa uga Ordaa, maadaama oo aanay jirin cid isaga qabsatay, ama dacwad toosa oo ku socotay aanay jirin.

Inuu tegitaankiisa Muqdisho uu ku sababeeyo waxaan Hargaysa uga imid  nabadgeliyo darro, waxaan qabaa mulkiilihii Horyaal TV oo la xidhayba wuu joogaa,  sharciga hortiisana waan ku difaacaynaa. Markaa sabab uu Hargaysa uga Ordaa ma jirto”.

Geesta kale guddoomiye Xuuto, waxa uu tusaale u soo qaatay nabadgeliyadda iyo xoriyadda saxaafadda ee Somaliland ka jirta in uu qiray xoghayaha ururka suxufiyiinta Soomaaliya ee NUSOJ markii uu todobaadkan magaaladda Muqdisho ku soo dhawaynayay laba weriye oo ka tirsanaa Hadhwanaag.

Guddoomiyaha SOLJA  ayaa khiyaali iyo majaro habaabin ku tilmaamay in iyadoo weriyeyaasha jooga Soomaaliya ay qirsan yihiin xoriyadda iyo amaanka ka jira Somaliland in weriyeyaasha reer Somaliland ay qiil ka dhigtaan sabab amaan darro in ay Xamar ugu baxsadeen.

“Waxaa qiray maalintii dhawayd ee uu Mudisho ku soo dhawaynayay weriyeyaasha Hadhwanaag, xoghayaha ururka suxufiyiinta Soomaaliya, amaanka iyo nabadgeliyadda Somaliland ka jirta.

Markaa ka wax loo sheegayo ama ka loo tegayo ama ka la doonayo in la majaro habaabiyaa, waa kaa isagu qiraya Somaliland wanaageedda iyo sharafta iyo karaamadda ay muwaadiniinteedda iyo saxafiyiintaba, ay ka mudan yihiin”.

“Markaa waa in aan la isku maaweelin Khiyaali, balse waa in qofka weriyaha ahi xirfadiisa marka hore uu asluubeeyo, xogta iyo waxa uu isku difaacayo diyaarsado. Waxa uu bulshadda u sheegayaana ay run noqdaan”ayuu yidhi Xuuto.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here