Buug Ay Qortay Edna Aadan Oo Hargaysa Lagu Soo Bandhigay

0
580

Hargaysa (Hargeisa Press): Waxaa xalay hudheelka Maansoor ee magaaladda Hargaysa lagu soo bandhigay Buug ay qortay Drs. Edna Aadan Ismaaciil.

Buugaasi oo magaciisu yahay hormoodka haweenka ‘A women of firsts’  ayaa ka waramaya waayaheedda nololeed iyowaxyaabihii taariikhiga ahaa ee ay soo martay Drs. Edna.

Xafladda lagu soo bandhigayay buugaasi oo uu soo qaban qaabiyay ururka haweenka ee NAGAAD, waxaa ka soo qayb galay wasiirro, siyaasiyiin, qoreyaal, aqoon yahano, dhalinyaro iyo haween.

Qoraaga buuga hormoodka haweenka Drs. Edna Aadan Ismaaciil, oo hadal ka jeedisay munaasibadda ayaa ka warantay waxyaabihii ku dhaliyay in ay buugaasi qorto.

Waxaanay sheegtay in buugaasi qoristiisa ay muddo badan soo waday, balse ay aakhirkii qoristiisa bilawday sanadkii 2005-tii, kaasoo ay ku duugan yihiin dhacdooyin xambaarsan waxyaabo kala duwan.

Drs. Edna, ayaa tilmaantay in iyadu ay tahay shaqsi hase yeeshee u jeedadda ay ka leedahay buugani  in  uu ka hadlo taariikhda Somaliland  ee la xaqiray, isla markaana ay doonayso in ay ku soo gudbiso xaqiiqda dhabta ah.

Geesta kale Drs. Edna, ayaa dar-daaran u jeedisay dhalinayradda danaynaysa in ka shaqeeyaan mihnadda caafimaadka in ay qofka bukaanka ah ugu adeegaan sida ugu haboon.

Dhinaca kale waxaa madashaasi hadalo ka jeediyay qaar ka mid ahaa marti sharaftii joogtay oo isugu jiray qoreyaal, aqoon yahano, siyaasiyiin, xildhibaano, wasiirro iyo xubno kale oo ka mida hal-doorka bulshadda.

Halkan Ka Daawo Khudbadihii Laga Jeediyay Munaasibadaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here