Somaliland:Booliska Oo ka Hadlay Weerarkii Xalay Ee Boorama

0
531

Hargaysa (Hargeisa Press): Taliska ciidamadda booliska Somaliland ayaa ka hadlay dabley hubaysan oo xalay waaberigii weerar ku soo qaaday saldhiga dhexe ee booliska  magaaladda Boorama.

Iska hor imaad dhex maray ciidamadda booliska ee joogay saldhiga la weeraray iyo kooxda weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in ay rasaas is-waydaarsanayeen muddo ilaa sodon daqiiqo ah.

Weerarkaasi waxaa sheegtay in ay  ka danbeeyeen maleeshiyadda  suldaan Wabar, oo dhawr sanadood ka hor rebshado ka gaystay magaaladda Boorama, balse markii danbe heshiis la galay xukuumadii Siilaanyo.

Taliye ku-xigeenka ciidamadda booliska Somaliland sareeye Guuto Faarax Maxamed Mirre, oo maanta gelinkii danbe warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay qabteen qaar ka mid ahaa kooxdii rebshadda gaysatay.

Waxaanu xusay in kuwii kale-na ay ciidamadda booliska Boorama baacsadeen, isla markaana ay u gudbeen dhinaca xadka Itoobiya.

Sareeye guuto Faarax Maxamed Mirre, waxa uu sheegay in aanu jirin wax khasaare ah oo weerarkaasi ka dhashay, dhinaca ciidamadda booliska iyo dableyda weerarka soo qaadayba.

Halkan Ka Daawo Taliye Ku-xigeenka Booliska Somaliland Oo Dhacdadaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here