Weftigii SAMA-WADE ee Xisbiga WADDANI oo Si Ballaadhan Looggu Soo Dhaweeyey Deegaano Ka Mid Ah Goballada Awdal iyo Salal + SAWIRRO

0
880

Saylac, (HargeisaPress) —Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa si ballaadhan looggu soo dhaweeyey qaar ka mid ah deegaanada galbeedka Somaliland ee hoos yimaada goballada Awdal iyo Selal.

7b3a4744-abc5-47a5-8b16-43c42ddfd03b

Weftigan oo u jeedkiisu ahaa kormeeridda qaabka ay diiwaan-gelintu uga socoto deegaanaddaasi ay ku wehelinaayeen xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo mas’uuliyiin kale.

351b063f-762c-4893-a81f-08daf339d72e

Waxaana weftigan oo saaka arroornimaddii hore ka soo kicitimay magaalada Boorama si ballaadhan looggu soo dhaweeyey magaalooyinka Qol-u-jeed, Boon, Xariirad, Jidhi, Cabdiqaadir, Ceel-Gaal, Caasha Caddo iyo Saylac, iyada oo gebi ahaanba taageerayaashii kala duwanaa ee halkaas ku qaabilay ay ku soo dhaweynaayeen hadalo ay ku taageersan yihiin xisbiga WADDANI, waxaana ay sida oo kale lu laayeen caleemo qoyan iyo weliba calanka liimiga ah ee astaanta u ah xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

425cf9e1-1bc9-4358-a344-e4355b30d70c

Qaar ka mid ah dadweynahii ku dhaqnaa deegaanadaasi ee sida ballaadhan u soo dhaweeyey guddoomiye Cirro, ayaa waxa ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu soo booqdo sida oo kalena uu soo kormeero qaabka ay u socoto diiwaan-gelintu, iyaga oo sida oo kalena ku ammaanay in qaabka habboon ee uu ugu soo kuur-gelaayo xaaladda nololeed ee bulshooyinka ku dhaqan deegaanadan.

4e20c4b5-2c8b-4f76-88f4-b8adfedb94ba

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Cirro oo isna magaalo magaalo u soo booqday qaabka ay u socoto diiwaan-gelinta codbixiyeyaashu, ayaa sheegay nidaamka habboon ee ay shacabka ku dhaqan deegaanadani isu diiwaan-gelinayaan, isaga oo sida oo kalena uga mahad-celiyey qaabkii habboonayd ee ay ugu soo dhaweeyeen magaalooyinka ay soo mareen oo idil.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here