Weftigii Ka Socday DDS Itoobiya Oo Dib Ugu Laabtay Jig-jiga

0
807

Tog-Wajaale (HP): Xubno ka mid ah golaha wasiirrada Somaliland, maamulka gobolka Gabiley, ka degmadda Gabiley iyo masuuliyiin kale ayaa galabta sii sagootiyay wefti ka socday DDS Itoobiya oo booqasho laba maalmood ah ku joogay magaaladda Hargaysa.


Waxaanay xubnahaasi isugu jiray wasiirradda iyo masuuliyiinta kala duwani weftiga ka socday DDS Itoobiya ku sii sagootiyeen magaallo-xuduudeedka Tog-Wajaale ee u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya.
Weftigan ka socda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu hogaaminayay madaxweynaha DDS Mustafe Maxamed Cagjar, ayaa shalay soo gaadhay maagaladda Hargaysa.


Iyadoona weftigaasi ay isla maanta kulan kula qaateen xarunta madaxtooyadda madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ay wehelinayeen xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada.
Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, oo ka mid ahaa xubnihii wasiirrada ahaa ee sii sagootiyay weftiga ka socday Itoobiya ayaa warbaahinta uga warbixiyay u jeedadda socdaalka ay weftigaasi ku yimaadeen Somaliland iyo waxyaabaha lagaga wada hadlay kulamadii ay yeesheen.

Waxaanu sheegay wasiir Koore, in mudadii labadda maalmood ahayd in ay ka wadahadleen arrimo khuseeya danaha iyo wax wada qabsiga labadda dawladood ka dhexeeya.


Geesta kale badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa isna bulshadda gobolka Gabiley iyo Wajaale uga mahad celiyay soo dhawayntii iyo sagootinta madaxweynaha dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo weftigiisa sida wanaagsan ee ay ugala qayb qaateen.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here