Wefti Somaaliland Ah Oo Guulo Midho-Dhal Ah Ka Soo Hooyay Safar Ay Ku tageen Waddanka Ingiiriiska

0
896

Hargeysa (Hargeisa Press.com):Wefti ka socda xukuumadda Somaliland uu hogaaminayo wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa guullo wax ku oola ka gaadhay safarkoodda.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland, oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska wararka ee shebekadda Hargeisa Press ayaa arrintaas lagu faahfaahiyay.

War-saxaafadeedkaasina waxa uu   u dhignaa sidan:

Weftigan oo uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Md Maxamamed Xaaji Aadan Cilmi, isla markaana ay xubno ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Md Cabdiqani Maxamuud Caateeye.

Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Md Xasan Axmed Aadan iyo Lataliyaha Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Md Cabdikariim Cabdi Aadan.

Weftigan oo ka mid noqday wufuudii ugu miisanka cuslaa ee Waddanka Ingriiska booqda mudaddii uu xilka hayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomalilaan Md Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale weftiga oo dalka ka anbabaxay taariikhdu markay ahayd 12/11/2018 isla markaana gaadhay Cariga Ingriiska 13/11/2018. Weftiga waxay isla markiiba guda galeen ajeendihii socdaalkooda iyagoo kulankii ugu horeeyay la qaatay maayarka magaaladda Cardiff ee Caasimada Gobolka Wales halkaas oo loogu sameeyay soo dhoweyn diiran.

Waxa kale oo weftigu kulan la yeesheen Wasiirka Kowaad ee Gobolka Walis Mudne Carwyn Jones waxana weftigu ugu warameen Dalka Somaliland iyo guulaha uu gaadhay tan iyo markii uu dib ula soo noqday madax-banaanidiisa18 May 1991kii,sidoo kalena waxa weftigu u sharaxeen waxayaabaha ay u baahan tahay in Somaliland laga caawiyo waqti xaadirkan.

Kulankan  waxa qayb ka ahaa xubno badan oo ka kala socday jaaliyadaha adduunka ee ku dhaqan caasimada Gobolka Wales oo madasha lagu marti qaaday.

“Somaaliland waxay xidhiidh soo jireen la leedahay Gobolka Wales, Afrika wax ka jira waqtigan isbeddel wanaagsan.

Waxanu  rajeynaynaa in isbedeladaa socda aanu kaalin wanaagsan ka qaadano isla markaana aad wax noola qabataan si ka wanaagsan sidii hore” ayuu yidhi Wasiirka Xidhiidhka Goloyaasha md Maxamed Xaaji Aadan oo madasha khudbad ka jeediyey.

Waxa kale oo weftigu la kulmay Xafiiska Wasiirka Kowaad ee caawimooyinka,gaar ahaan madaxa  qaabilsan Afrika.

Weftigu intii ay ku sugnaayeen Gobolka Wales waxay  booqdeen xarumo ay ka mid yihiin,Xarunta Dabdamiska iyo Xabsiga Weyn ,Iyadoo mar kalena lagu casumay Jaamacadda farsamada gacanta iyo tacliinta sare .

Weftiga waxay sidoo kale kulan la qaateen Baarlamanka Gobolka Wales,waxayna sharaxaad ka siiyeen xaalada guud ee waddanka Somaliland , sidoo kalena waxay ka codsadeen in labada gudi Baarlamaan  ee Somaaliland iyo Wales ay yeeshaan xidhiidho lagu xoojiyo wada shaqaynta labada dhinac.

Kulankan ayaa waxa si gaara weftiga Somaliland u soo dhoweysay marwada kowaad ee Raysal-wasaarihii hore ee Wales murwo Juli Morgan oo xiligan ah xildhibaanad.ka tirsan barlamanka Wales

Weftigu intii ay ku sugnaayeen Gobolka Wales waxa kale oo ay shir la qaateen xildhibaanadii ka soo jeeda Cardiff ee ka qayb qaatay  aqoonsigii ay u fidiyeen Jamhuuriyadda Soomalilaan.

Jaaliyada Reer Somaliland ee ku dhaqan guud ahaan waddanka ingriiska ayaa weftigu waxay la qaateen kulano kala duwan mudadii ay joogeen.

Waxaana  ugu danbeeyay kulankii magaalada London,waxana weftigu halkaa kaga war bixiyeen horuumarka iyo waxyaabaha kale ee dhulkii ka jira.

Iyadoo weftigu kula dardaarmeen jaaliyadda halkaa joogta inay ku dedaalaan wadajirka iyo midnimadooda taas oo ay wax  badan ugu qaban karaan ummadoodda ku dhaqan dalka gudihiisa.

Ugu danbayntii weftiga ayaa maalintii shalay waxay kulan balaadhan la yeesheen gudida arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah  ee labada aqal Baarlaman ee Ingriiska, ka dib markii ay ka heleen martiqaad rasmi ah.

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka waxa uu xubnahan u gudbiyey waraaqo ay ka sideen gudoomiyaasha  labada Gole Baarlamaan ee Soomaalilaan Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baasha Maxamed Faarax.

Shirka ayaa ku soo dhaamaday jawi is af-garad buuxa,iyadoo midhihii ka dhashayna kulankaana casuumad rasmi ah loo fidiyey gudiyada arrimaha dibeda ee Baarlamanka Somalilaan kuwaas oo dhowaan booqan doona cariga Ingiriiska.

Kulankan ayaa wefitiga Somaalilaan waxa kala qaybgalay Drs. Edna Aadan Ismaaciil Ergeyga gaarka ah ee Soomalilaan u qaabilsan wadahadalada Soomaliya,Ayaan Maxamed Maxamuud Safiirka Soomalilaan ee Boqortooyada Ingiriiska iyo Barwaaqo Sooranka.

Wasiirka  Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka isagoo ku hadlaya magaca weftiga wuxuu mahadnaq iyo bogaadin u jeedinayaa dhammaan dadkii ka qayb galay soo dhoweyntooda iyo fududaynta hawlihii ay u tageen Waddanka Ingiriiska.

 

Allah Baa Mahad Leh

Maxamed Xuseen Axmed {Dhabeeye}

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha  & Arrimaha Dastuurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here