Wefti Caalamiya Oo Xukuumadda Somaliland Kala Shiray Balaadhinta Biyaha Hargaysa + SAWIRRO

0
989

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wefti Ka Kooban Dawladda Somaliland Oo Ay Wehelinayaan Qaadhaan Bixiyayaasha Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) Ayaa Booqday Xarunta Kaydka Dhuumaha Biyaha Qaada (Beebabka) Ee Duleedka Magaalada Hargeysa, Halkaas Oo Ay Yaalaan Beebabka Loogu Talo Galay Mashruuca Biyo Ballaadhinta Magaalada Hargeysa Iyo Sidoo Kale Goobaha Ay Ka Socoto Hawsha Beeb Dhigidu. Waxa Kale Oo Uu Waftigu Booqday Xarunta Biyo Soo Saarka Ee Geed-Deeble.

 
Ujeedada Booqashada Waftiga Ayaa Ahayd Sidii Ay U Soo Kormeeri Lahaayeen Mashruuca Biyo Balaadhinta Caasimadda Hargeysa Oo Ay Fulinayso Hay’ada UN-HABITAT Oo Kaashanaysa Wakaaladda Biyaha Hargeysa Iyo Wasaaradda Biyaha ,Si Wada Jirana Ay U Maalgalinayaan Midowga Yurub Iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland Ee (SDF). Waxa Kale Oo Uu Waftigu Booqday Mashruuca Dib Udhiska Iyo Dayactirka Waddada Kalabaydh Ilaa Dilla Oo Dhan 19km. Taasoo Laga Maalgalinayo Sanduuqa Horumarinta Somalilland (SDF).

weftiyo

Dhanka Wefitga Xukuumadda Somaliland Ka Socday Waxa Ka Mid Ahaa Wasirika Wasaaradda Qorshaynta Qaranka. Cali Xuseen Ismaciil (Cali Shoombe),Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibada Dr.Sa’ad Ali Shire, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Cali Jamac Buured, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Marwo Shukri Ismail Bandare,Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Cumar Sheekh Maxamed Faarax, Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Maxamed Ducaale, Iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mudane Ibraahim Siyaad, Halka Ay Waftiga Safiiraduna Ka Kala Socdeen Wadamadda Qaadhaan Bixiyayaasha Sanduuqa Horumarinta Somaliland(SDF) Ee Denmark, UK, Netherlands Iyo Norway.

 

 

Horn Cable TV

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here