Weerarkii Dusit: 83 qof ayay badbaadiyeen ayagana way dhinteen

0
800
Cellulant ayaa sheegtay in lixdaasi nin ay ahaayeen geesiyaal isku dayay badbaadinta nolosha saaxiibbadood

Nairobi, KENYA – Tacsi ayaa magaalada Nairobi loogu dhigay qaar ka tirsan dadkii ku geeriyooday weerarkii lagu qaaday dhismaha hoteelka Dusit, toddobaad kahor.

Boqollaal qof ayaa isu soo baxay iyagoo u baroor-diiqaya lix nin oo ka wada shaqeynayay shirkadda tiknolojiyadda, Cellulant.

Shirkadda ayaa lixdaasi nin ku ammaantay geesinimada ay muujiyeen. Ururka al-Shabab ayaa sheegtay weerarkaasi.

Shan nin, oo uu ku jiray qof is qarixiyay, ayaa weeraray dhismaha hoteelka Dusit oo ku yaalla deegaanka Westland ee magaalada Nairobi, iyagoo ku dilay ugu yaraan 21 qof tiro kalena ku dhaawacay.

Saraakiisha booliiska ayaa soo afjaray howlgal 19 saacadood qaatay, kaddib markii ay dileen raggii weerarka soo qaaday.

Cellulant, oo lagu sheegay mid ka mid ah shirkadaha tiknolojiyadda Afrika kuwooda ugu waaweyn, ayaa lixdaasi ka tirsanaa shaqaalaheeda ku ammaantay inay yihiin geesiyaal.

Shirkadda ayaa ku ammaantay, Jeremiah Mbaria, Kelvin Gitonga, Ashford Kuria, Wilfred Kareithi, John Ndiritu iyo Denis Mwaniki inay badbaadiyeen nolosha saaxiibbadood iyagoo isla markaana naftooda halis geliyay.

Dhammaantood waxay ku sugnaayeen xafiiska markii uu mid ka mid ahaa weerar yahannada is qarxiyay.

Markii ay dareemeen inay wax dhaceen ayaa Mr Mbaria iyo Mr Kuria – oo shir kula jiray kooxdooda – waxay bilaabeen inay ka caawiyaan saaxiibbadood inay xafiiska ka baxaan.

Mr Mwaniki ayaa ku soo biiray iyagoo shaqaalaha ka saaray xafiiska oo ku yaallay dabaqa shanaad iyo kan lixaad.

Sidee ayay ugu suurto gashay?

Kooxda ayaa ku guuleystay in 83 ka tirsan shaqaalaha oo 100 qof ahaa ay ka bixiyaan albaabka deg degga ah, sida ay shirkadda Cellulant sheegtay.

Si kastaba, weerar yahannada ayaa ka war helay arrintaasi, shaqaalaha haray ayaa kaddib meelo kala duwan isku qariyay.

Lix ka mid ah ayaa ku dhuuntay qol yar oo ku yaallay dhabarka dambe ee jaranjarada dabaqa koowaad. Halka 11-ka kalena ay isku qariyeen suuli ku yaalla dabaqa shanaad.

Balse ragga hubeysan ayaa galay suuliyada, waxayna arkeen Mr Kuria kaddibna halkaas ayay ku dileen, sida ay shirkaddu sheegtay.

Weerar yahannada, oo aan arkin dadka kale ee meesha isku qarinayay, ayaa u daadegay dhanka jaranjarada halkaas oo ay lixda kale ee shaqaalaha ka tirsanaa ay isku qarinayeen.

Cellulant ayaa sheegtay inay raggaasi isugu sheegeen inay yihiin dagaal yahannada al-Shabab, kahor inta aysan shan ka mid ah dilin.

“Mid ka mid ah shaqaalaheenna waxaa cajiib ah inaysan waxba gaarin. Jeremiah, Mike, John , Kelvin iyo Denis had ayaa ku qariyay dhabarka dambe meel iyaga ka shisheysay si aan loo arag,” ayay shirkaddu tiri.

Jeremiah Mbaria

Cellulant ayaa ku sheegtay inuu dad badan u ahaa hoggaamiye, walaal iyo dhiirri-geliye.

“Wuxuu kooxdiisa kula dhaqmi jiray wanaag iyo naxariis. Wuxuu jeclaa Ilaahay iyo qof walba oo uu la kulmo, mar walbana wuxuu kooxdiisa kula talin jiray inay horumar sameeyaan.”

Hadda un baa xilkaasi loo dhiibay kaddib markii maamulihiisii uu shirkadda ka tegay dabayaaqadii sanadkii hore.

“Si wanaagsan ayuu u qaaday xilka hoggaanka si ku dayasho mudan ayuuna kooxd au hoggaaminayay, isagoo xilli dambe shaqeynayay si uu kooxdiisa uga caawiyo inay howlahooda gutaan,” ayay tiri Cellulant.

Kelvin Gitonga

Wuxuu ahaa qof shaqadiisa jecel, Mr Gitonga wuxuu aaminsanaa “in teknolojiyaddu ay beddeli doonto dunida”, ayay shirkaddu tiri.

Waxay ku sheegtay inuu yahay “qof akhyaar ah iyo injineer howlkar ah” oo hammuun u qabay aqoonta iyo waxbarashada.

Ashford Kuria

Waxay shaqaalaha Cellutant u yaqaannaan nin maskax furan. Mr Kuria ayaa ka soo shaqeeyay dhammaan wax soo saarka shirkadda, wuxuuna qayb ka ahaa kooxdii dhistay tiknolojiyadda ay ku shaqeeyaan adeegyada Cellutant.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay “xog uruuriyaha aan rasmiga ahayn” ee shirkadda.

“Haddii aad u baahato sawir la qaaday 10 sano kahor – Ash waad ka heleysaa,”

“Aqoonta uu u lahaa wax walba waxay ahayd mid cajiib ah,” ayay shirkaddu tiri.

“[Ashford] ayaa in badan lagu xusuusan doonaa dhoolla-caddeyntiisii, shakhsiyad wanaagsan, naxariistiisii [iyo] jaceylka uu u hayay qof walba, iyo siduu u ahaa qof go`aan leh.

Wilfred Kareithi

“Qof firfircoon” isla markaana “faraxsan” waa sida ay Cellulant ku qeexday Mr Kareithi, oo ka mid ahaa injineerradii ugu wanaagsanaa shirkadda.

“Marna kama uusan daalin” qabashada howlaha ugu adag, ayay shirkaddu tiri.

“Si aan shuruud ku xirneyn ayuu dadka u caawin jiray, wuxuuna mar walba jeclaa inuu tababaro shaqaalaha cusub isla markaana uu aqoontiisa la wadaago.”

Wuxuu maamulayay mashaariicda shirkadda ee dalalka Malawi, Mozambique, Rwanda iyo Nigeria.

John Ndiritu

“Inaysan shaqadeyda ahayn, micnaheedu maaha inaanan qaban karin,” Mr Ndiritu ayaa lagu yaqaannay inuu sidaasi u sheego saaxiibbadiisii Cellulant ee caawinaadda u baahnaa.

Wuxuu mar walba jeclaa inuu caawiyo qof walboo uga baahda caawinaad, ayay shirkaddu ku tiri qofraal ay soo dhigtay barta Twitter-ka.

Waxay shakhsiyaddiisa ku sheegtay inuu ahaa nin faraxsan, deggan oo naxariis badan.

Wuxuu qayb ka ahaa koox ka shaqeysay adeegga moobilka ku shaqeeya ee Ecobank, oo ka mid ah bankiyada ugu waaweyn Africa.

Kooxda “ayaa adeeggaasi ku sameysay muddo 86 maalmood ah, iyagoo ku sameeyay afar luqadood kana hirgeliyay 33 dal oo Africa ku yaalla”, ayay Cellulant sheegtay.

Denis Mwaniki

Wuxuu ahaa khabiir dhanka xogta ammaanka ah, wuxuu ahaa nin fekera, akhyaar ah isla markaana hoggaan wanaagsan lahaa, ayay shirkaddu ku sheegtay.

Wuxuu ka mid ahaa khabiirrada dhanka tiknolojiyadda ammaanka ee Afrika, ayay shirkaddu tiri.

Waxay shirkaddu sheegtay inuu ahaa nin deggan oo akhyaar ah.

Shaqadiisa ayaa sababtay in shirkaddu ay u suurto gasho inay ka shaqeyso suuqyada caalamka.

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here