Weerar Ismiidaamin ah oo lala beegsaday Gaadiid uu la socday Safiirka Imaaraadka iyo Al-shabaab oo sheegatay + SAWIRRO

0
900

MUQDISHO,(HargeisaPress)  —Ugu yaraan 10-qof ayaa ku geeriyooday, toddoba qof oo kalena way ku dhaawcmeen weerar Ismiidaamin ahaa oo Muqdisho lagula eegtay Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen mas’uuliyiin u dhashay Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo uu ka mid aha safiirka Imaaraadka ee Somalia.

Weerarka ayaa lala beegsaday kolonyada gaadiidka ah oo marayay meel ku dhow Isgoyska Tarabuunka, degmada Hodan ee Muqdisho, iyadoo uu weerarkan fuliyay ruux watay gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay.

Ismiidaamintii_Muqdisho_maanta (2)

Lama oga khasaaraha kasoo gaaray saraakiishii u dhashay Imaaraadka Carabta ee la socday gaadiidka Weerarka Qaraxa ah lala beegsaday, Waxaana weerarkaan uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo lala beegsado ajaanib ah tan iyo markii ay dhalatay bishan Ramadaan.

Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Qaraxa uu burburiyay midka mid ah gaadiidkii lala eegtay, waxaana ay sheegeen in laba qof oo rayid ah ay ka mid ahaayeen dadkii lagu dilay Qaraxaas.

Xarakada Al-shabaab ee Somalia ayaa Sheegatay Mas’uuliyadda Weerarkan, iyadoo aysan weli hay’adaha amniga ee dowladda Somalia si ramsi ah uga hadlin khasaaraha ka dhashay weerarkan oo ahaa mid aad u xooggan.

Ismiidaamintii_Muqdisho_maanta (3)

“Waxaan weerar la beegsannay Gaadiid ay la socdeen Saraakiil Cadow ah oo u Dhashay dalka Imaaraadka Carabta, waxaaa khasaare xooggan gaarsiinnay iyaga iyo ciidamadii la socday ee ilaalada u ahaa,” ayuu yiri afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab Sh. C/casiis Abuu-Muscab.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxay ka hirgelisay Muqdisho xeryo ciidammada lagu tababaro iyo xarumo kale oo kala duwan, kuwaasoo ay ku jiraan isbitaallo iyo xarumo lagu xannaaneeyo agoomaha.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here