“Waxaanu keenay wershad soo saaraysa Soolar, oo cadceeda ku shaqaynaysa”. Wasiirka Wershadaha.

0
884

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka wasaaradda Wershadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse, ayaa jawaab ka bixiyay hadallo dhawaan ka soo yeedhay masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, oo hore u sheegay inay xisbiga KULMIYE kaga taageerro badan yihiin gobaladda galbedka dalka.

 

Waxaanu sheegay wasiir Shucayb in aanu xisbiga WADDANI iska qiyaasan Karin halka ay marayso iyo inta ay le’eg tahay taageeradda ay u hayaan bulshadda ku nool goboladda galbeedka dalka. Waxaanu timaamay in aanay wax gor-gortan ah geli karin taageerada xisbiga KULMIYE ka haysto gobalada Galbeedka.

 

Wasiir Shucayb Maxamed Muuse, oo shalay xafiiskiisa ugu waramayay qaar ka mid ah warbaahinta waxa kale oo uu sheegay in xisbiga KULMIYE uu ololaha ku gelayo wakhtiga doorashooyinka wax-qabadka muuqda ee uu dalka ka fuliyay mudadii uu taladda dalka hayay. Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Gobalada Galbeedku halka ay u badan yihiin iyo halka ay marayaan way muuqataa, imika wax Cabdiraxmaan Cirro cabiri karayana ma aha. Markaa waxaan odhan lahaa, oo aan ku soo koobi lahaa anigu guul aan gor-gortan lahayn oo aan baqasho lahayn ayaan ka rejaynaynaa gobalada Galbeedka. Waxaa xisbiga KULMIYE uu ku faanayaa-na waa wax-qabadka, oo uu waxaanu wax ku helaynaa waxaa ummadda Somaliland uu u qabtay xisbiga KULMIYE, ayuu ololaha ku gelayaa”.

 

Dhinaca kale, wasiirka Wershadaha waxa uu sheegay in ay qorshaha mustaqbalka ugu jirto sidii loo kicin lahaa wershadda Sibidhka ee magaaladda Berbera. Waxaanu yidhi “Anigu waxaan imid wasaaradda iyadoo wershada Sibidhka ee Berbera arrinkeedu meel marayo, oo la doonayo in la kiciyo. Laakiin anaga himiladayadu waxa weeye in wershadaa iyadoo qaranka u shaqaynaysa la arko, waanan u guntanaynaa oo dedaal dheer ayaan u gelaynaa sidii loo kicin lahaa. Waxaana qorshahayga dhaw iyo ka fog-ba ku jirta in wershada Shamiitada ee Berbera aanu kicino”.

 

Wasiir Shucayb waxa uu tilmaamay in sababta ugu weyn ee ay Wershadaha dalku u xidhmaan ay tahay Koronto ku filan oo aan dalka ka jirin, isagoo xusay in arrintaasina ay rejaynayaan in dhawaan laga baxo, iyadoo dalka laga hirelinayo wershad Korontadda soo saarta.

 

“Korantada oo aan jirin awgeed ayay wershaduhu u xidhmayeen, soddon wershadood oo maal la geliyay. Markaa waxaan u diyaar garownay sidii aanay wershad danbe u xidhmi lahayn, waanay noo suuro gashay. Markaa wixii aanu ugu nimid ee wershado ahaa, waxba may fadhiisan, waxaana aynu nahay wadanka ugu Koronto qaalisan caalamka si taa looga gud-bo waxa aanu keenay wershad soo saaraysa Soolar, oo cadceeda ku shaqaynaysa.

 

Wershadaasi Hargeisa ayay ka socotaa, waanu dhamaaday dhismaheedii, markaa shirkadaheena Laydhku waxay ka helayaan qalabkii Soolarka ee ay Shiinaha ka soo iibsan jireen”ayuu yidhi wasiirku.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here