Xogo Kasoo Baxaya Sababaha Telefeeshinka HCTV Looga Saaray Satelite-ka Thaicom 5 Oo Ay Telefeeshinadu Kasoo Galaan

0
797

Hargeysa, (HargeisaPress) β€”Telefishinka Horn Cable ee xaruntiisa tahay magaalada Hargeysa ayaa maalintii afaraad ka maqan Satelite-ka Thaicom 5 oo ah Satelite ay ka soo galaan dhammaan Telefishinada ku hadla Afka Soomaaliga, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo qaabka hawada looga saaray.

Xidhiidho aan la sameynay Telefishinka Horn Cable ayay noo suura geli weyday inaan wax ka ogaano sababta rasmiga ah ee uu Telefishinku uga maqan yahay Satelite Thaicom, kaasoo sahli jiray in laga daawo meelo badan oo Caalamka ka mid ah.

Telefishinka Horn Cable ayaa hada gudaha Hargeysa iyo daafaha caalamkaba aan laga daawan karayn, waxaana si weyn looga hadal hayaa magaalada Hargeysa iyo meelaha Soomaalida degto sababaha uu uga maqan yahay qeybta satelite-ka ee Thaicom.

Bulshada caasimada hargeysa ayaa Waxay la isla dhex marayaan sababaha uu Telefishinka Horn Cable uga maqan yahay Satelite-ka Thaicom 5 ay tahay mid la xidhiidhta xasuuqii arxan darada ahaa ee lagu laayaya dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee deegaanka Jaamac Dubad oo ka tirsan Gaashaamo, halkaasoo todobaadyo ka hor lagu laayay dad fara badan, Dadka ku nool deegaankaas ayaa heyb ahaan ka soo jeeda Somaliland, iyadoo arrintan si weyn uga hadleen warbaahinta Maxaliga iyo kuwa Gobolka.

Akhri Warqadda Dacwada Ah Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia U Qortay Shirkada Thaicome 5 Ee Telefishanka HCTV Hawada Lagaga Saaray
Akhri Warqadda Dacwada Ah Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia U Qortay Shirkada Thaicome 5 Ee Telefishanka HCTV Hawada Lagaga Saaray

 

 

 

telefeeshinka HCTV ayaa isagu dhawaan baahiyay warbixin laga diyaariyay xasuuqii ay gaysteen ciidanka New police-ku ee ay ja gaysteen deegaanka jaamac Dubad ee degmada gaashaamo.

Satelite-ka Thaicom 5 oo laga leeyahay dalka Thailand ayaa waxaa soo kireysatay Shirkad lagu magacaabo RR Media oo laga leeyahay Israel, isla markaana xarunteedu tahay magaalada Tel Aviv.

Dad xog ogaal ah oo ku sugan Hargeysa oo magacooda codsatay inaan la baahin ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay ka dambeyso in Telefishinka Horn Cable laga saaro qeybta Satelite-ka Thaicom 5, maadaama xidhiidh wanaagsan uu kala dhaxeeyo Israel.

Shirkada RR Media ee laga leeyahay Israel ayaa waxay isku xidhaa qeybaha Satelite-ka Hotbird iyo Thaicom oo u kala baxa Asia iyo Africa, waxaana ay ka soo kireysatay dalka Thailand.

Sanadkii 2013 ayay aheyd markii sidan oo kale Telefishinka Somali Chanel looga saaray qeybta Satelite-ka Thaicom 5, waxaana Telefishinka xilligaas baahin jiray barnaamij ay dhibsatay dowladda Itoobiya oo ay u aragtay inuu taageerayay Jabhada ONLF, taasna waxay keentay in dowladda Itoobiya warqad u qortay Israel, sidaasna looga saaray Telefishinka Somali Chanel Satelite Thaicom 5.

Dhanka kalena waxay ciidamada New Police-ku afduubteen oo ay kaxaysteen wariye ka tirsanaa bahda HCTV oo lagu magacaabo Mukhtaar Nuux Ibraahin kaasi oo uga soo warami jiray magaalada gabiley ee xarunta gobolka gabiley, waxaana sidoo kale aan iilaa hada la garanayn halka uu joogo ee ay ciidamadu geeyeen, iyada oo aan ilaa hadana cid ka hadashay aanay jirin.

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here