Shirkadda AL-nuuR Furniture oo markii u horreysay bilawday Tartan-Midabeed Noociisu Dhulka Soomaalida ku Cusub yahay

0
860

Hargeysa, (HargeisaPress) —Shirkadda Ganacsiga Qalabka Guryaha iyo Xafiisyada ee AlnuuR Furniture, ayaa markii ugu horreysay bilawday tartan-midabeed noociisu ku cusub yahay Somaliland iyo dhulka Soomaalida-ba, kaasoo Midabbada ama Noocyada Muuqa uu qof kastaa jacelyahay ku tartamayo, isla markaana Ruuxa midabka dookhiisu guulaystaa Abaal-marin ku mutaysan doono.

CAD

Sidaana waxaa lagu sheegay Warmurtiyeed ka soo baxay Madaxa Suuqgeyta Shirkadda C/qani Maxamed Xuseen, isagoo dhammaystirana waxaa u qornaa sidan;

 

“Waxaanu bilawday tartan-midabeed noociisu ku cusub yahay Somaliland iyo dhulka Soomaalida-ba, kaasoo Midabbada ama Noocyada Muuqa uu qof kastaa jacelyahay ku tartamayo, isla markaana Ruuxa midabka dookhiisu guulaystaa Abaal-marin ku mutaysan doono.

XAR

Waxay Shirkadda AlnuuR Furniture Barnaamijkeeda Xiisaha Xagaaga iyo Xarragada Hooyga, ku soo bandhigtay midabbo kala duwan oo ay ku tartamayaan Hablo iyo Hooyooyin kala duwan, kuwaas oo ay mid waliba dooranayso midabka dookheedu ka helay amaba ay jeceshay inay gurigeeda dhigto amaba ay qaarkood dhigteen, kaasoo qaybaha kale ee Bulshaduna midabbada lagu tartamayo u kala codaynayaan qof waliba qofka uu dookha la wadaago.

 

Midabbada lagu tartamayo waxaa ka mid ah Caddaanka, Xareedda, Caddaan-madaw, Binki iyo Bunniga, kuwaasoo ay ku tartamayaan Shan Haween ah oo ay ka mid yihiin Fannaanadda Asmo-Love, Weriyeyaal iyo Gabdho kale, waxaana Cod-bixinta lagu kala dooranayo Midabbadaas lagu tartamayo Qof kastaa ka dhiiban karaa Codka Dookha uu taageerayo Bayjka ay Shirkadda ALnuuR Furniture leedahay Bar-kulanka Bulshada ee Facebook. https://www.facebook.com/Alnuurfurnitures/

BINK

Tartamayaasha Midabkoodu ku guulaysto kaalinta koowaad iyo labaad, waxay heli doonaan Abaal-marrinno kala duwan oo oo ay Shirkadda AlnuuR Furniture ugu talo-gashay.

CAD MAD

Sidoo kale, Barnaamijkan wuxuu fursad siinayaa dadka codeeyayaasha ah oo iyaga laftoodu qayb ka yihiin fursado ay ku heli doonaan abaal-gud ay ka mid yihiin Taleefannada Smart Phones iyo Ipad iyo agab kale, shuruuduna waxaa weeye in qofku Like Gareeyo, share gareeyo Pageka Alnuur ku leedahay Facebook ee  https://www.facebook.com/Alnuurfurnitures/ , sidoo kalena waa inaad ka comment garayso dookhaad taageersantahay.

BKK

Waa markii ugu horreysay ee Tartan loogu tartamayo Midabbada Agabka Guryaha la dhigto ee Furniture-ka lagu qabto Somaliland iyo weliba guud ahaan dhulka Soomaalidu. Sidoo kalena, waa markii ugu horreysay ee ay Shirkad Waddani ahi soo bandhigto Tartan noocan oo kale ah.”

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here