“Waxaa markii u horaysay la mideeyay Miisaaniyadaha d/hoose iyo dawlada dhexe”…

0
520

Hargaysa ((HP): Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa tababar magaaladda Hargaysa ugu soo xidhay xubno ka kala socday degmooyinka dalka ee uu ka shaqeeyo mashruuca JPLG-ga.


Tababarkaasi oo socday muddo afar maalmood ah waxaa ka qayb qaadanayay 27 xubnood oo ka kala socday magaalooyinka Hargaysa, Burco, Berbera, Laascaanood, Gabiley, Caynaba, Boorama, Saylac, Sheekh iyo Oodweyne.
Tababarkaasi ayaa ku saabsanaa sidii loo casriyayn lahaa nidaamka xisaabaadka iyo lacag qabashadda ee mashruuca ay dawladaha hoose ku shaqeeyaan oo la doonayo in loo guurro.


Sidoo kale waxaa kulankaasi ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday haayadaha UNHABITAT iyo UNDP iyo xubno ka socday wasaarradaha Maaliyadda iyo arrimaha gudaha ee Somaliland.
Cabdi Axmed Nuur (cabdi-gurey), ayaa soo dhaweeyay tababarkan loo qabtay xubnahan ka socday degmooyinka uu ka shaqeeyo mashruuca JPLG-gu.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here