Wasiirkii Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Oo Hadda Is Casilay+Sababta

0
934

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirkii shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Obsiiye ayaa hadda wararka soo gaadhaya shabakada HargeisaPress ay sheegayaan inuu hadda iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda madaxwayne Siilaanyo oo ahaa wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland.

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland oo goordhawayd warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlayay sababha uu iskaga casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda madaxwayne Siilaanyo iyo xisbiga KULMIYE.

Wasiir Maxamed Cabdilaahi Obsiiye ayaa ah wasiir kasoo jeeda gobolka Awdal,waxaana uu wasiirku shaaciyay inaanu jirin ilaa hadda xisbi uu ku biirayo,balse waxa uu carabka ku dhuftay in uu ku biirayo isaga iyo taageerayaashiibu xisbiga ay u arkaan inuu codkooda abaal ku qabo waa sida uu hadalka u dhigaye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here