Wasiirkii Arimaha Dibedda Oo Aan Raacin Waftigii Madaxweynaha Ee Shalay U Safray Dalka Kuwait Iyo Halka Loo Sibir Saarayo Ka Baaqashadiisa.

0
735
The Foreign Minister Dr. Saad Ali Shire

HARGEISA , (HargeisaPress) —Wasiirka khaarajiga ee Somaliland Sacad Shire ayaan raacin wafdigii madaxweyne Siilaanyo ee shalay u baqoolay dhinaca dalalka Khaliijka kadib markii lagaga reebay talo ay soo jeediyeen wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi iyo wiilka uu soddoga u yahay Siiraanyo ee Baashe Cawil.

 

Inkastoo safarka uu madaxweynuhu ugu kicitimay dalka Kuwait uu afhayeenka madaxtooyadu ku tilmaamay booqasho ku timid martiqaad rasmi ah hadana waxa layaab noqotay in wasiirka arimaha Dibadda laga reebo wafdigii madaxweynaha.

 

Mr Sacad Cali Shire ayaa isaga lagu tilmaamaa nin aan shakhsiyad uu wax ku diido laheyn oo uu carbisan in aanu wax ka diidin qofka uu u shaqeeyo.

 

Sidoo kale Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa isagu mudooyinkii u danbeeyey gabi ahaanba la wareegay shaqadii Wasiirka Khaarajiga Somaliland.

 

Haatuf

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here