Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Socdaal Ku Maraya Bariga Sool iyo Xaysimo

0
844

Taleex (HP): Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay degaamadda xuduudka ku teedsan oo ka tirsan goboladda Sool iyo Xaysimo.

Wasiirka iyo weftiga uu hogaaminayo oo ka soo kici timay magaaladda Taleex ee xarunta gobolka Xaysimo ayaa soo maray degaamadda Go’daallo, Carroolay iyo degaamo ka tirsan Nugaasha gobolka Sool.

Waxaanay wasiirka iyo weftigiisu soo mareen degaanka Go’daallo, oo ka tirsan gobolka Xaysimo, halkaasoo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen oday dhaqameedka degaankaasi iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Waxaanay dadweynihii soo dhaweeyay sheegeen in Saleebaan Cali Koore, uu yahay wasiirkii u horeeyay oo Somaliland ka socda ee degaankaasi yimaadda.

Wasiirka warfaafinta oo markii uu gaadhay degaanka Go’daallo hadal u jeediyay dadweynihii soo dhaweeyay ayaa uga mahad celiyay soo dhawaynta diiran ee ay u sameeyeen.

Isagoo-na xusay in Go’daallo ay tahay meel ay si wanaagsan isku garanayaan bulshadeedda. Waxaanu yidhi,  “Waxaan imid gurigaygii. Waxaan filayaa qof aan magacayga garanaynin, ama aabahay garanaynin ama awoowgay garanaynin in aanu halkan joogin ama uu  dhif ku yahay.

Ma aha meel aan marnaba ka fili karo farxad la’aan iyo soo dhawayn la’aan, iyo sooryo la’aan iyo gobonimo la’aan. Marnaba maxkaxdayda kuma jirto, kumana jiri doonto”.

Saleebaan Cali Koore, ayaa ugu bushaareeyay in horaanta sanadka soo socda halkaasi looga samaynayo Dhaam biyo macaan leh.

“Dhaam weyn oo biyo macaan ah ayaa halkan si dhakhso ah looga samayn doonaa, oo magaaladu kaga raysato biyaha qadhaadh. Riig ayaanu damacnay in aanu soo dirno, markii la baadhay Riigii waxaa la yidhi biyo macaan oo ku ag dhaw ma jiro.

Go’aanka aanu qaadanay wuxuu noqday in Dhaam weyn la dhiso. Dhaamkaasi insha ALLAAHU sanadkan horaantiisa waa la keenayaa”ayuu yidhi wasiirka warfaafintu.

Geesta kale weftiga wasiirka oo ku guddo jiray safarkoodda ayaa isla maanta gaadhay degaanka Caroolay, halkaasoo ay si balaadhan ugu soo dhaweeyeen odayaasha, waxgaradka, haweenka, dhalinyaradda iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda.

 

Wasiirka warfaafinta oo la hadlayay bulshaddii ku soo dhawaysay degaanka Carroolay, ayaa tilmaamay in degaanka Carroolay uu aqoon badan u leeyahay, isla markaana uu yaraantiisii xoolaha ka waraabin jiray.

“Carroolay dhan kasta waan ka tegay, anigoo caruur ah oo xoolaha raaca. Meel aanan kaga soo Aroorrini ma jirto. Markaa waxaan tirsanayaa in ay tahay degaankaygii, meeshii aan ku koray, dadkaygii ehelkaygii Eedooyinkaygii, ayeeyooyinkay iyo dhamaanba dadkii caa’ilada ahaa, ee aan la noolaa, ee aan la dhashay”ayuu yidhi wasiir Koore.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Wixii mashaariic ah iyo wixii aynu ka wada hadlayno, goobteedda iyo meeshadda ayaynu kaga hadlaynaa. Dalka iyo dadkuba way inoo baahan yihiin”.

Sidoo kale mid ka mid ahaa odayaashii weftiga wasiirka warfaafinta ku soo dhaweeyay degaanka Carroolay ayaa u sheegay wasiirka in bulshadda degaankaasi ay si buuxda u raacsan yihiin dawladda Somaliland, isla markaana looga baahan yahay in ay ka faa’iidaystaan.

Waxaanu yidhi, “Wasiirka waxaan leeyahay, wax goyntiinu ragiina Somaliland ka tirsan, hore waxba umaydaan goyn jirin. Laakiin, maanta wax baad goynaysaan, ee ha garan waayin. Dadkiinii iyo dalkiiniiba wuu idin raacsan yahay.

Madaxweynaha-na fariin baan u dirayaa oo waxaan leeyahay, afar iyo labaatan sanno wixii aad daba joogtay, maanta fursad baad u haysataa, oo nasiib kaagaa ugu soo beegay Muuse Biixiyoow. Ka faa’iidayso”.

Dhinaca kale

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here