Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Oo Sharaxay Qorshaha Shanta Sanno

0
878

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobadda ugu muhiimsan ee ay diirrada ku saarayaan hawl-qabadka shanta sanadood ee shaqaalaha dawladda.

Waxaanu sheegay in qorshahaasi uu ku qotoma ama laga soo dheegay yoolka horumarka waara ee caalamiga ah qodobkiisaa 17aad  iyo barnaamijka ururuka midawga Afrika iyo riyadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland ee sanadka 2030-ka.

Farxaan Aadan Haybe, oo khudbad ka jeediyayay munaasibad lagu daah-furayay qorshaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ee shanta sanadood ee soo socda, oo maanta lagu qabtay hudheelka Ambassador ee magaaladda Hargaysa.

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in qorshe la sameeyo taasoo hawl-bawle u ah in la ogaado halka loo socdo. waxaanu yidhi, “In la sameeyo qorshe, waa hal-bawlaha in la ogaado halka aynu u socono. La’aanteed-na suurto gal ma aha.

Qorshaha hawl-qabadka shanta sanno ee soo socota, ee hay’adda shaqaalaha dawladu, waxa uu ku qotomaa yoolka horumarka waara ee caalamiga ah (international sustainable development goals) kii, oo qodobka 17aad ee yoolkaasi ayuu ka soo farcamaa.

Waxa kaloo aanu u eegnay oo uu ku qotomaa, barnaamijka ururuka midawga Afrika (agenda of African Union). Waxa kaloo uu ku qotomaa riyadda (vision) ka qaranka jamhuuriyadda Somaliland ee 2030-ka”.

“Waxa kaloo aanu ka soo dheegnay, ama u eegnay tiirrarka, tiir ka mida qorshaha labaad ee horumarinta qaranka (national development plan 2).

Waxa kaloo uu ku qotomaa dastuurka qaranka jamhuuriyadda Somaliland iyo dabcan xeerka shaqaalaha dawladda jamhuuriyadda Somaliland, ee aanu dib-u-eegista ku samaynay, ee golaha wasiirrada hor tegaaya nuqulkiisa koowaad.

Sidaa-na uu ku dhaafayo wasiirrada, kuna tegaya goleyaasha baarlamaanka si loo ansixiyo”ayuu yidhi guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland.

Geesta kale Farxaan Aadan Haybe, waxa uu intaas raaciyay in iyadoo qodobadaas oo dhan la tixgeliyay in hada-na lagu saleeyay xogtii la soo ururiyay ee loo arkay in ay udub-dhexaad u noqoto hagaajinta shaqaalaha iyo shaqada-ba.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu  yidhi,  “Qorshahani isagoo intaas oo dhan ku qotoma, waxaa lagu saleeyay lix Tiir.

Lixdaas tiir waxaa lagu saleeyay xogta laga soo ururiyay, ee aanu u aragnay Udub-dhexaadka iyo mucda in lagu tayayn karayo ama lagu hagaajin karayo ama kor loogu qaadi karayo xuquuqda shaqaalaha iyo xaqa shaqadda, oo is bar-bar socda.  Sidoo kale lagu tayayn karayo aqoonta shaqaalaha iyo waayo-aragnimadoodaba”.

Dhinaca kale guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha waxa kaloo uu ka hadlay habka shaqaale qorista iyo xulista shaqaalaha iyo sidii loo marin lahaa hab cadaalad ah.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here