Wasiirka Warfaafinta oo Hor-tegay Guddi Hoosaadka Dhaqaalaha Wakiillada

0
527

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa maanta hortagay Guddiga dhaqaalaha Maaliyada iyo Ganacsiga ee golaha Wakiillada.

Guddiga dhaqaalaha Maaliyada iyo Ganacsiga ee golaha Wakiillada oo ku guda jira naaqishaaada iyo u talo badsiga Odoroska Miisaaniyad sanadeedka 2023 oo ay golaha dhawaan u soo gudbin doonaan, ayaa su’aalo kala duwan weydiiyay wasiirka wasaarada Warfaafinta.

Waxaanay xubnaha guddigu Maaliyadu ay wasiirka wax ka waydiiyeen arrimaha dhaqaale ee wasaaradda Warfaafinta iyo meelaha ay ku baxdo miisaaniyadu.

Wasiir Koore, ayaa kulankaasi kadib waxa uu warbaahinta uga warbixiyay arrimihii kala duwanaa ee ay Guddiga kaga wadahadleen kulankaasi iyo waxyaabihii ay xildhibaanadu wax ka waydiiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here