Agaasimaha Guud Ee W. Dastuurka Oo Tababar U Furay Dhalinyaro Baratay Suul-Dhabaalaha

0
410

Hargaysa (HP): Agaasimaha guud ee wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL Deeqa Cabdi Yuusuf, ayaa maanta furtay tababar loo qabtay dhalinyarro baratay Luuqa Suul Dhabaalaha.


Tababarkaasi oo ku saabsan barashadda Dastuurka iyo Waddaniyada, waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL.


Waxaana tababarkaasi si rasmiya u furtay Agaasimaha guud ee wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL Deeqa Cabdi Yuusuf.
Tababarkaasi furitaankiisa waxaa ka soo qayb galay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Waxbarashadda, xildhibaano ka tirsan golaha Wakiiladda, badhasaab ku-xigeenka gobolka Maroodijeex, agaasime waaxeedyadda wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo masuuliyiin kale.

Deeqa Cabdi Yuusuf, Agaasimaha guud ee wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL oo furitaanka tababarkaasi hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in wasaaradu ay u aasaasan tahay gaadhsiinta barashada dastuurka ee bulshadda Somaliland.
Sidoo kale agaasime Deeqa Cabdi Yuusuf, ayaa tilmaantay in iyadoo laga duulayo gaadhsiinta bulshadda ee barashada dastuurka in tababarkani loo qabtay dhalinyaro baratay luuqadda Suul-dhabaalaha.


DAAWO: Warkaasi Furitaanka Tababarkaasi ku Saabsan Barashadda Dastuurka iyo Waddaniyadda:



Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here