Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Mashaariic Ka Dhagax-Dhigtay Degmada Daarasalaam Ee Gobolka Maroodi-Jeex + SAWIRRO

0
1081
Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay wehelinayaan qaar ka mid ah Wasiireada Xukuumadda Somaliland

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay wehelinayaan qaar ka mid ah Wasiireada Xukuumadda Somaliland ayaa Shalay degmada Daarasalaam ee gobolka Maroodi-Jeex ka dhagax dhigay laba Ceel-biyood iyo Cisbitaal laga hirgalin doono degmada Daarasalaam.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa ka hadashay mashaariicdaasi laga hirgalinayo deegaankaasi waxayna tidhi “Waxaanu u soconay in aanu dhagax dhigno Cisbitaal dhamaystiran oo wixii Cusbitaal looga baahnaa oo dhan leh haddii ILAAHAY yidhaahdo oo Alle inala qabto. Waxa kale oo aynu u soconaa laba Ceel oo loo dhisayo dhawr Beerood oo dad sabool ahi (Leeyihiin) ayaynu ka dhaxaysiinaynaa,  Wasaaradda Biyuhuna idinka ayay idiin xil-saaraysaa si aad uga talisaan labadaa Ceel,  si aanu u noqonin Ceelkaasi meel Qof gaar ahi sheegto (laakiin uu noqdo) Ceel Dadka saboolka ah ee Beerihii biyo u la’ ay wadaagi lahaayeen”

Wasiirka Maaliyaddu waxa kale oo ay sheegtay “Qorshahaasi wuxuu inoo furayaa qorshe ka ballaadhan oo ah inaynu hadhow samayno in aynu dad dhul u beerno.” Ayay tidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan.

Wasiirka Cadaaladda Somaliland Wasiirka Caddaalada Axmed Faarax Cadarre oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay  “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuu ku suntan yahay horumarka iyo taariikh fiican oo laga tago oo ay u suurtagaliyeen Wasiirradaa uu u igmaday, kala dedaal badan Wasiir Samsam waxaanu leenahay waad ku mahadsan tahay ilaahay ha kaa jasaa’i siiyo.” Ayuu yidhi Wasiirka Cadaaladda Somaliland.

Guddoomiyaha degmada Daarasalaam Cabdikariin Cali Maxamed ayaa soo dhaweeyey mashaariicdaasi deegaanka laga hirgalinayo, waxaanu yidhi “Waxa weeyaan baahiyaha ka jira degmada run ahaantii haddaan soo taataabto aniga oon ka dhamaanayn, waxa jira oo aad u mihiim ah caafimaadka oo dhibaato ka jirto, waxaad arkaysaa hooyo meel 60km inoo jirta ku dhibaatoonaysa oo cid u gargaarta aan haynin, waanu soo qaadnaa iyadoo haddana halkan waxba lagaga qaban kari waayey ayaanu haddana qaadnaa, iyadoo Shaybaadh aan loo haynin baad arkaysaa. Dadkaasi waa dad reer guuraaya oo danyar ah oo laga yaabo in magaalada Hargeysa aanay xaafadiba u deganayn.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Degmada Daarasalaam Cabdikariin Cali Maxamed.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Biyaha Somaliland, Cabdiqaadir Maxamuud ayaa isna dhinciisa soo dhaweeyey Mashaariicdaa deegaanka laga hirgalinayo waxaanu yidhi “aad ayaan ugu faraxsanahay degmadan oo ah markii iigu horaysay ee aan imaaddo, runtii warkeedana aan hayey. Waxa aynu u baahanahay maaddaama oo degmadani ay Hargeysa waraabiso wixii kale in laga ciil-tiro”.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mr. Daarood oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in degmadani laga rabo qorshihii ay ku waraabin lahayd Caasimadda Hargeysa ee Somaliland tobanka sano ee socda, oo maanta ay degan yihiin dad hal milyan oo qof ka badan, in tobanka sano ee soo socda marka shacbiga caaismaddu laba milyan gaadhaan qorshihii ay ku waraabin lahayd, sidaa darteedna degmadu ay inaga mudan tahay ahmiyad intan ka badan.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here