Wasiirka Duulista Somaliland Oo Xadhiga ka jaray Mashaariic horumarineed oo laga hir galiyey Madaarka Laascaanood + SAWIRRO

0
1043

Laascaanood, (HargeisaPress) —  Wasiirka Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa  xadhiga ka jaray Mashaariic horumarineed oo laga hir galiyey Madaarka maagalada Laascaanood.

Wasiir Xaashi oo hogaaminayey wafti ka tirsan Xukuumadda Somlailand ayaa sidoo kalena waxa xubin ka ahaa Wasiirka Hawlaha Guud Guryaynta Iyo Gaadiidka C/risaaq Khaliif Axmed ayaa isla subaxnimadii Jimcihii xadhiga ka jray 1900 Mitir oo Caro kaawo cusub oo Runway-ga ah oo lagu sameeyay Garoonka Magaaladaas.

11220835_505485789630274_4602794170800224769_n

sidoo kale waxa ay Waftigu Garoonkaas gaadhsiiyeen laba gaadhi oo oo cusub kuwaas oo kala ah Dabdamis iyo Nooho Shaqaalaha Madaarka loogu tallo galay, kuwaas oo Wasaaradda Duulistu ugu talo gashay Madaarkaas, Waftigu waxa ay dhagax dhigeen laba mashruuc oo kala ah Dhismayaashii lagu shaqayan lahaa iyo kuwii ay fadhiisan lahaayeen dadka dhoofayaasha ah iyo kuwa soo degayaasha ahi iyo dhismihii qaybtii gaasta Diyaaradaha.

11065605_505485636296956_1367858837602054638_n

Waftigu waxa ay dhagax dhiga kadib ka qaygaleen Xaflad loogu talo galay furitaanka iyo dhagax dhiga iyo la wareegida gaadiidka, halkaas waxaa ka hadlay masuuliyiinta heer Gobol, heer Degmo, Cuqaal Garaado, iyo dadweyne kale, sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay xubnaha Waftiga oo uu ugu horeeyay Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “ Runtii farxad weyan ayey saaka ii tahay, shaqsi ahaan iyo guud ahaanba waftigayaga halkan marayey in aanu munaasibadan ka soo qayb galno,furitaanka dib u casriyayanta madaarka Magaalada laascaanood, oo runtii kaalin muhiim ah kaga jira, halbawlaha dhaqaalaha dalka,gaar ahaan Gobolka Sool magaalo madaxdiisa Laascaanood, Garoonkaas oo u baahnaa in heerkii uu joogo kor looga qaado,maqaam fiican la gaadhsiiyo si loo adeegsan karo, badqabka iyo nabadgalyadiisana la sugi karo, maadaama waxa ka dagayaa ay yihiin Dad iyo Diyaarado.”

12049587_505485732963613_6953106925126768404_n

“waxaan jecelahay in aan halkan uga mahad celiyo shirikadii maalgalisay Buluban ee bixisay kharashka ku baxay dhismahaas, waxaan kaloo jeclahay in aan halkan uga mahad celiyo shirkadii dhistay ee fulisay mashruucaas ee Isxilqaan, Engineer Garaad iyo Cali, waxaanaan runtii qirayaa oo inkasta aanan Engineer ahayn hadana khibrada aan u leeyahay Garoomada iyo Runway-yada oo iminka aan mudo dheer ka shaqaynaayey, marka aan adeegsdo, waxaa iiga baxay Garoonkii aan saaka tegay runtii in hawl wayn laga qabtay, waxaan qirayaa in loo qabtay sifadii waafaqsanayad in Runway loo dhiso.”

12047115_505485796296940_5264037181787493089_n

“ Runway marxalado kala duwan ayuu maraa, dadkeenu malaa waxay moodaan dhabo layska maraayo oo fudud, mar waa la calaamadiyaa, mar meeshaa la sahamiyaa, mar dhabadaa nashqad lagu sameeyaa sida guryaha oo kale,marna waa la adkeeyaa oo adkayantu hadba waxa ay ku xidhan tahay nooca diyaaradaha iyo xadiga aad doonayso in ay ka degaan, waa la adkeeyaa sida maanta Caro Kaawada Iyo Jayga loogu adkeeyay, shaqooyinka ugu adag ayey tahay, waana shaqooyinka gogol dhig u ah in sibidh lagu sameeyo, waxaa ka mid ah marka la doonayo in sibidh la sameeyo, bud dhig adag oo dhagax ah oo ilaa 70 CM hoos u jira, sibdhku maaha ka kaligii ilaaliya sida wadooyinka oo kale, Garoomadu way ka adag yihiin, hal kiiloo mitir 1KM ama laba kiiloo mitir iyo badh 2.5 KM oo dhabo Duyuuradeed ah inta aad sameynayso, waxaad dhamayn kartaa boqol kiiloo mitir 100KM oo wado ah. Jaran jaro aad u adag ayaa la maraa, Runway ilaa laba kilo mitir ah 2KM ama sadex kiiloo mitir 3KM ahi waxaa laga yabaa in uu qaato ilaa labo sano, waxaa laga yaabaa in aan dadku sidaa u aqoon. Runtii waxaan qirayaa in uu Garoon fiican yahay la adeegsan karo marxaladan. waxaa noo qorshaysan in aanu keeno wafti ka socda Hay’ada ICAO, ee qiimaysa Duulimaadyada iyo Garoomada ee darajada u samaysa, si loogu aqoon sado in Laascaanood Garoonkeedu yahay, Garoon Dhamaystiran, oo la sugo Diyaaradaha ka dagi kara, Aqoonsiga garoomada waxaa bixisa Hay’ada caalamiga ah.”

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here